Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 29, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):ย  1- Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha kaga qeybgaley shir madaxeedka 23aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

3- Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotey waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, noqoteyna xubinta 8aad ee ururkaasi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada iyo sanatarrada Aqalka Sare

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo ku saabsan latashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

7- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamanka ku xusay in dowladda ay ka goโ€™antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo Khawaarijta si loo gaaro amni iyo xasilooni dhameystiran.

9- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, si rasmi ah uga daah furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku tagay socdaal uu ugu kuurgalayo xaaladaha halkaasi ka jira.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay laanta Bangiga dhexe ee Soomaaliya ku yeelaneyso Kismaayo.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

13- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, isagoo ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

14- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

15- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

16- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

17- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo ka mid ah meelaha ay daadadku xireen.

18- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga arrimaha cimililada adduunka ee COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabta.

19- Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyayay Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf oo ku guuleystay billadda hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda.

20- Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada ururka oo 24kii bishan ay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotey.

21- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

22- Raiiโ€™sul Wasaareyaashii hore ee dalka Md, Maxamed Xuseen Rooble, Md Cumar Cabdirashiid, iyo Md Cali Maxamed Geeddi iyo Md Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

23- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo faaโ€™iidooyin dhaqaale iyo ganacsi u leeyahay Soomaaliya.

24- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dilay lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Budbud.

25- Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe), kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

26- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo waxbarashada dalka.

27- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse iyo Wasiirka Horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell ayaa kala saxiixday heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

28- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya uga qeyb galay Madasha Caalamiga ee xakameynta doorka saxaafadda ee kicinta iyo fariimaha naceybka.

29- Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

30- Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis ceelal biyo looga dhisayo degaanadii laga xorreeyey Khawaarijta.

31- Jubaland oo gargaar gaarsiisay shacabka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose oo waxyeeladu ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha.

32- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in 96 Ruux ay dhinteen tan iyo mamrii fatahaadaha ay dalka ka dhufteen.

33- Dowladda Ruushka oo Soomaaliya u soo direysa Markab sida 25 kun oo tan shixnad gargaar oo sareen ah oo loogu talo galay dadka tabaalaysan.

34- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibrahim Sheekh Muxudiin oo kulan la qaatay U qeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya

35- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo soo saartay liiska 72 shirkadood oo ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

36- Wasiiru-Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

37- Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa odayaashii la shaqeyn Khawaarijta gobollada dhexe ayaa isku soo hiibay Ciidanka Xoogga Dalka

38- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kala wareegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo ku dhow 140 kun oo dollarka Mareykanka ah.

===DHAMMAAD====

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay James Swan +Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa…

Wararka
October 11, 2020

Sheekh Aadan madoobe oo shirguddooiyey kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ka qabsoomay Kismaayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku…

Gudaha
June 7, 2024

Dowladda Soomaaliyaโ€Keenista wajiga labaad ee Talaalka Covid-19 waa Gabo-Gabo

Muqdisho (SONNA)-Wasaaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qorshe dalka lagu keenayo wajiga labaad ee…

GudahaWararka
March 31, 2021

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Qahira,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel…

GudahaWararka
January 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023