Muqdisho(SONNA): Danjiraha Russia u fadhiya Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoonsiiyaan markab sida gargaar cunto.
Markabkaasi ayaa la filayaa inuu soo magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.
Gargaarkan cunto ayay dowladda Russia ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.
Safiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).