Muqdisho (SONNA):- Soomaaliya ayaa ku guuleysatay billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, kaas oo ay ka qaaday qaar ka mid ah waddamo dhaca Qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, oo Shirkadda Total Telecom ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ay ku abaalmariso hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.
Guddoomiye Axmed ayaa noqonaya hoggaamiyihii 25แตแตแต ee ku guuleystay abaalmarintan oo lagu guddoonsiiyay xaflad xalay ka dhacday magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Hormuud Telecom ayaa ah shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo ka qeybgasha tartankan oo ay ku loolamaan hoggaamiyayaasha shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta caalamka.
Tartanka ayaa Guddoomiyaha shirkadda waxaa sannadkan kula tartamay, madaxda shirkadaha ๐๐๐ฎ๐ญ๐ฌ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐๐ค๐จ๐ฆ ee Dalka ๐๐๐ซ๐ฆ๐๐ฅ๐ค๐, ๐๐๐ฌ๐๐จ๐ฏ๐ข๐ฅ ๐๐๐ฅ๐๐๐จ๐ฆ ee ๐๐ฉ๐๐ข๐ง, ๐๐จ๐ฅ๐ญ ๐๐๐๐ก๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฏ๐ข๐๐๐ฌ ee ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐, ๐๐๐ก๐ซ๐๐ข๐ง ๐๐๐ญ๐ฐ๐จ๐ซ๐ค ee dalka ๐๐๐ฑ๐ซ๐๐ฒ๐ง iyo shikradda ๐๐๐๐ข๐๐ข๐ ๐๐ซ๐จ๐๐๐๐๐ง๐ ๐๐๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ญ๐๐ฌ ee fadhigeedu yahay Dalka ๐๐ข๐ง๐ ๐๐ฉ๐จ๐ซ๐.