Muqdisho (SONNA):- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa wada dadaalo ay ku caawinayaan dadka shacabka ah ee ay daadadku ay saameeyeen.
Saraakiisha iyo Ciidamada ee ku sugan degmada Afmadow ayaa shacabka ku barakacay daadadka xooggan ee ku dhuftay magaalada kala qayb qaadanaya rarida alaabaha muhiimka ah ee goobaha Ganacsiga ku jira.
Ciidamadaan ayaa sii laba jibbbaaray sugidda Amniga inta xaaladan adag lagu jiro iyo ka qayb qaadashada samatabixinta dadka ay Daadadka iyo Fatahaaduhu saameeyeen kuwaas oo ku sugan deegaannada maamulka Jubbaland.
Guud ahaan goballada dalka waxaa ka socda gurmad loo fidiyo dadka ku nool deegaannada ay saameeyeen Roobabka, iyada oo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ay gurmad u dirtay qaar ka mid ah gobollada dalka.