Khawaarijta waxaa ku socda burbur iyo kala firxad, taasi maxaa u sabab ah? Waxaa u sabab ah kadib markii cadaadis uga yimid Xoogagga isbiirsaday ee kala ah Ciidanka Dowladda, kuwa Deegaanka ee Macaawisleeyda iyo saaxiibada caalamaka oo dagaal adag kula jira iyo waliba kuwii u adeegi jiray oo iasa soo dhiibaya, islamarkaana dagaalkaasi oo daba dheeraaday iyo goโdoomin lagu sameeyay Khawaarijta ku sugan Deegaannada Galguduud, arrimhaasi oo is biirsaday ayaa loo aaneynayaan kala firxadkooda, waxaana jira isa soo dhiib ay isu soo dhiibayaan gacanta Dowladda oo is leeyihiin meel kale oo aad ku badbaadi kartiin ma leh, waxaana ugu dambeeyay oo shalay ciidanka Dowladda isu soo dhiibay laba Odey oo waxa ay ugu yeeraan Naqiib u ahaa Kooda Khawaarijta ah waxayna kala yihiin Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf.
Labadaan Horjooge oo howlo badan u qaban jiray, waxaan ku bilaabeynee Axmed Cali Gedaf, waxa uu aad in muddo ah ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana uu u qaabilsanaa soo ururinta lacagaha baadda ah oo ay u bxsadeen Sakawaatka ee laga qaado Dadka ku dhaqan Deegaannda ku xeeran Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, waxa uuna isa soo dhiibay Ciidanka Dowladda, kadib markii ay Kooxda Khawaarijtu isaga baxeen Degmadasi iyo hareeraheeda.
Ninka labaad oo ah Cali Maqane waa uu aad ula shaqeyn jiray Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhinaca Saadka, sida Hubka iyo waxayaabaha kale ee uu uga soo aruuriyo Beesha uu isagu ka dhashay iyo lacagaha Baadda ah, waxaana la sheegaya in Carruurtiisu kula taliyeen markii Ciidanka Dowladda galeen Magaalada Ceeldheer inuu isu dhiibo Ciidanka Dowladda, islamarkaana ka dalbadaan saraakiisha Dowladda inuusan mar dambe la shaqeyn Kooxda alshabaab, balse waa uu ka diiday Codsiga Carruurtiisu ay ka dalbadeen, wuxuuna u sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu isu dhiibo Dowladda.
Hadda Cadaadiska oo ku batay kooxda uu ka tirsanaa iyo dagaaladdii oo daba dheeraaday iyo howlgal lagu soo qabtay xubno isaga la shaqeynayay oo uu ka mid ahaa Cabaas Garoobshe ayay taasi kaliftay inay iyaguna isu soo dhiibaan Ciidanka Dowladda, kadib markii ay ka baqeen in la qabto iyagoo dagaalamaya ama la dilo.
Labadaan Nin waa Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadafโe oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ee ku sugan Degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee howlgalada ka wada Xadka Galgaduud & Shabeellaha Dhexe. Axmed Cali Gadaf waxaa uuย Khawaariijta kala shaqeeyn jiray in uu u keeno Xoolaha Baadda ah oo ay ka doonayaan Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne, waxaana uu ka mid ahaa Odayaal dhawaan Khawaariijtuย ku soo bandhigay Deegaankaasi maamlmo ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaankaasi.
Cali Maqane oo ahaa Ganacsade, islamarkaana in muddo ah u shaqeeynaayay Khawaariijta waxaa uu u ahaa Oday Dhaqameed ama (NAQIIB) waxa ay ugu yeeraan ka soo aruuriyo Xoolaha Baadda ah reerkiis marka ay kooxdu ka dalbato, dhowr jeer oo hore ayuu ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Ciidamada dib u xoreeynta Deegaanka, kuwaasi oo ka kala dhacay Deegaannada Cali Yabaal iyo Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer.
Firxadka xubnahii la shaqeyn jiray kooxda Khawaariijta ah ayaa yimid ka dib markii howlgalo gaar ah ay Ciidamada Deegaanku ka fuliyeen Degmada Ceeldheer iyoย Deegaano hoostaga, kuwaasi oo lagu soo afjaray xubno muhiim u ahaa Khawaariijta qaarkoodna Nolol lagu soo watay.
Ciidanka deegaanka oo howl ka fulinaayay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa bishii hore soo qabtay Horjoogihii Baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta magaaladaasi, kaasi oo mudda ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi. Horjoogahaasi ciidanka ay soo bandhigeen ayaa lagu magacabaa Cabaas Caraaye {Garoobshe}, waxaana ciidamada oo howlgal ka sameeyay degmada Ceeldheer ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ninkaan oo mudda dhibaato ku hayay shacabka bariga gobolka Galgaduud, waxa uu sheegay mar uu la hadlay warbaahinta in ciidanku ay si wanaagsan u la dhaqmeyn, isagoo xubnaha kale ee wali ka midka ah khawaarijta ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka,ย si naftooda loo bad-baadiyo, taasi ayaa keentay ayaa la leeyahay inay saaxiibadiis ay isa soo dhiibaan waa Cali Magaqne iyo Axmed Cali Gedafโe.
Dhinaca kale waxaa soo baxayay kooxo loo bixiyaay Af-khawaarij, oo kuwaasi aad u taageera Kooxda Khawaaijta ah ee Al-shabaab, โJilib markaad ku tukato salaadda Jimcaha waxaad dareemi xasillooni. Dad aan qaad & daroogo kale qaadanin ayaa kugu garab tukani. Dhulka mooriyaantu maamusho dadka mirqaansan ayaa ku badanโ.
Qoraalkan waxaa bartiisa FCB-ga so dhigay Jamaal Cismaan Channel-4 ee Ingiriiska. Ninkaan inuu soo galo dalka Caasimadiisa Muqdisho waa loo diiday, waxaane laga celiyay Garoonka Aden Cadde, bal maleey imisa milyan oo doolar ayuu ka sameyn jiray dicaayad u sameynta Al-Shabaabka?. Ma ogid mana la socotid kuwa Muqdisho ku soo gala inay yihiin Saxafiyiin u shaqeeyo warbaahin Caalami ah, hadane ah Dhagar qabayaal, Jamal caro ba’an oo uu ilaa iyo hadda ka hurdi la’ayahay ayaa Ingiriiska ku heysa, waxaane uga maqan dhaqaale fara badan oo ka soo geli jiray dicaayad u sameynta Khawaarjta Al-Shabaabja.
Ka garo qoraalkiisa waxa uu Mooryaan ku sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee garatay dhagartiisa u ku soo shaqeysanayey sanooyin badan, โJamal ma xishoodo ee waa cabsadaa waayo waxa u soo caayay shalay oo Talaada ah Halyeyadii ka hor istaagtay in dhagar qabe Jamal soo galo Caasimada Qarankaย ee Muqdisho waa Xamdi alle in dadka reer Muqdisho gartaan Dhagar Qabayaasha ugu soo dhuunta magac Saxafi iyo inay meel iska saaraan kuwa u soo saarsan in Muqdisho lagu faafiyo waxyaabo badan oo khaldanโ, sidaasi waxaa yiri Axmed Baj oo ka tirsan suxufiyiinta Soomaaliyeed oo u adkeysan waayay Aflagaadada Ninkaasi.