Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii Wasaaradda iyo Iskaashatayinka ay isaga kaashan lahaayeen Horumarinta Kalluumeysiga iyadoo la ilaalinayo shuruucda kallumaysiga dalka.
Qaar ka mid ah madaxda Iskaashatooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa wasaaradda ka codsaday ineey ka taageeraan Qalabka Kaluumaysiga iyo suuqyo casri ah.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Wasaaraddu dhiirigalinayo Iskaashatooyinka iyo dhamaan kalluumeusatada Soomaaliyeed isagoo sheegay in dhawaan ay rajeynayaan kalluunka Soomaaliya loo iib geeyo dalal kala duwan oo caalamka ah.
Kallumaysatadu waxay door wayn ku leeyihiin hanaanka ka faaโidaysiga Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.