Muqdisho(SONNA):-Maxakamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta u fariisatay dacwadda Rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa dacwada la xiriirta Musuq maasuq iyo damiyo kale,waxana horay u xukuno ugu ridday Maxkamadda gobolka Banaadir,balsa xafiiska xeer ilaalinta ay racfaan kasoo qaateen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud soo bandhigo Cadeymaha ka dhanka ah saraakiisha ku eedeysan Musuq-maasuq .
Xeer ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir u gudbiyay cadeymo la xariira warqado lacag qabasho ah oo eedeysanayaasha ay tuhmayaan in ay been abuureen.waan ku noolaan lahaa,blsa
Eedeysanayaasha ayaa waxaa horay xukunno kala duwan ugu ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana racfaan ka qaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday.