Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘Dhabarkeygu jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Dhabarkeygu jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Dhabarkeygu jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 19, 2023
9 Min Read
Share

Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qeyb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo diyaar u ah in ay ka qeybqataan soo afjarista dagaalka Wejigiisa 1-aad ee lagula jiro Khawaarijta ku sugan meelo ka mid ah Galmudug, Ciidankaasi oo iskood isku soo abaabulay ayaa  waxaa  kormeer ugu tagay Saraakiil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Khawaarijta looga sarayo deegannada Galmudug, iyo Ciidamo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa diyaar u ah inay dhameystiraan meelaha kooban oo ay wali kaga harsan yihiin Galguduud.

Waxaa xusid mudan in Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo ay muddo ay ku dhibaateynayeen shacab Soomaaliyeed, islamarkaana u diiday inay wax la qeybsadaan deegaannada kale ee ka jira deegaannada ay dowladdu gacanta ku heyso oo leh adeegyada aas aasiga u ah horumarinta bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee lagamamaarmaanka u ah nolosha Dadweynaha sida biyaha iyo Waddooyinnka.

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii hore ay laheyd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu dambeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad u hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka xasillinta Caasimadda ee ku sugan Xerada Hiil-weyne mar uu howl shaqo ugu tegay xeradaasi, wuxuuna intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne uu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban, waxa uuna  xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga la mid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala dambeynta caasimadda,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Haddaba si loo sii ambaqaado dardargalinta howlaha dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarjta ah ee Al-shabaab ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in laga guuleystay kooxaha Argagixisada ee caqabadda ku noqday dadka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdooda asaasiga ah, Madaxweynaha oo wareysi dheer siiyay Jaridada Arab news ee laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in laga guuleysanayo Argagixisada, fursado badan oo maalgashi ahna uu waddanku leeyahay, “Waxa aan ka guuleysanay kooxaha Argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo lagu soo jiray halganka lagu xasilinayo Soomaaliya oo ay noqoto meel nabad ah ammaankeeduna fiican yahay, taasi oo horseedi karta in awood loo helo maal gashiyo kala duwan. “Guul ayaan hadda ka gaarnay dagaalka Argagixisada, waxa aan ku jirnaa marxaladahii uga dambeeyey ee xasilinta, nabadgelyada iyo ammaanka Soomaaliya”, Madaxweyne Xasan waxa uu intaasi raaciyay in Soomaaliya ay haatan tahay nadiif, fursado badanna ay ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah, dalagyada iyo cunnada, macdanta qeybaheeda kala geddisan.

“Soomaaliya waa nadiif, waa warqadaa cad, meel kasta fursad baa ku jirta, dhaqaalaha bulugga ah waa fursad, dalagga iyo cunnada waa fursad, macdanta, dahabka, Yuraniyamka iyo kheyraad kale ee aan qaniga ku nahay waa fursado, nooc walba oo kheyraad ahna waa laga helayaa Soomaaliya”. Madaweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay dhul beereed fara badan kana mid ah waddamada ugu soo wax soo saarka badan dhanka dalagga haddii laga faa’iideysto, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay tahay safka hore ugu jirto waddama ugu xoolaha badan dunida sidaa daraaddeedna ay ku fiican tahay maal gashiga.

“Soomaaliya waxa ay leedahay ku dhowaad 9 Milyan oo Hectar oo dhul beereed ah iyo laba Webi oo aan gurin sanadka oo idil iyo tiro wanaagsan oo xilli Roobaadyo ah, waxa ay ka mid tahay dalalka uga xoolaha badan Adduunka, sidaa darteed, Soomaaliya marka ay joogta dhanka maalgashiga waxa ay mareysaa cirka”, isagoo arrintaasi ka sii hadlaya, islamarkaana si gaar ah ula hadlaayay Boqortooyada Sacuudiga ayaa yiri:- “Soomaaliya waa kheyraad dihan oon la taaban, sidaas awgeed, kuwa kusoo horumara ayaa faa’ido badan helaya, waxa aan ku casuumaynaa Addduunka, si gaara walaalaheenna Sucuudiga in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee yimaadda Soomaaliya isla markaana maalgashta”.

Mdaxweynaha waxa uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb muddo gaareysa 60 cisho ah, waxa uuna halkaasi ka waday howlgalin dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana xusid mudan in lagala wareegay in ka badan 70 deegaan oo ay ku jiraan degmooyin aad u muhiim ah, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaa kaloo suurtogashay in deegaannadaasi la gaarsiiyay adeegyada aas-aasiga u adeegga bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, dhisid waddooyin, dab galin, ceel-biyoodyo iyo wixii soo raaca.

Madaxweynaha magaalada dhuusamareeb kadib waxa uu safarro shaqo ugu ambabaxay waddamada Biljam, Emaaraatka Carabta, Sacuudi Araabiya iyo kii ugu dambeeyay oo ahaa kii uu ku tegay Dalka Burundi, dhammaan socdaaladaasi waxay ahaayeen kuwa la xariira caadiyeynta xiriirada ay Soomaaliya la leeyihiin iyo inuu dhexmaro wax wada qabsi, ku qotoma walaaltinimo iyo saaxiib tinimo, waxayna dhammaantood ku soo wada dhammaadeen jawi is afgarad iyo is faham.

Haddaaba ma loo wada sinnaan kara Nin wax walba ka hormariyay danta guud iyo mid fiirsanaya dantiisa gaarka ah, waxaysan ogsooneeyn in Madaxweyne Xasan haddii uu ku guuleysto ka takhalusidda kooxda Khawaarijta ah ay macnaheedu tahay in guud ahaan ay guuleysatay Soomaaliya oo dhan, “Dhabarkeygu  jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye” waxay ka mid tahay Erayo gabay uu horey u tiriyay AUN Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, taasi oo aan ka dheehan karno Madaxweynuhu sida uu ugu dhabar adeegay ka jibba keenidda howlaha uu qaranku u idmaday, waxaana leenahay allaha ku guuleeyo waajibaadkaasi uu dusha u ritay, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud dalxoreeye guul ku waar idin illaah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka warfaafinta oo qaabilay danjiraha Ethiopia ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha…

GudahaWararka
June 5, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa ka qeybgalay munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka…

GudahaWararka
September 30, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Difaaca Dalalka Xubnaha ka ah Eastern Africa Standby Force “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ugu qeyb-galay Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka…

GudahaWararka
December 17, 2021

Isku aadka kooxaha tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la shaaciyay

MUQDISHU-(SONNA)-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , madaxda xiriirka kubadda cagta , xubno ka socday maamul goboleedyada ,gobolka Banaadir iyo bahda…

GudahaWararka
November 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023