Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ๐๐๐ ๐จ๐ ๐ญ๐ก๐ ๐๐๐๐ซ, oo ay ๐๐๐ซ๐ข๐๐ ๐๐๐๐ก ๐ ๐๐ฌ๐ญ๐ข๐ฏ๐๐ฅ ku abaalmariso madaxda shikradaha Afrika, ee horumarro iyo guulo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeybqaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.
Guddoomiye Axmed ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay abaalmarintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank. Xaflad xalay ka dhacday magaalada Cape Town ee dalka South Africa ayaana lagu iclaamiyay in uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom.
Guddoomiye Axmed ayaa nagu hoggaamiyay in aan noqonno Shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya, iyo in aan kaalinta koowaad uga jirno horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, shaqa-abuurka Dalka, isku xirka dadkeenna, iyo fududeynta nolosha bulshadeenna.
Waa guul u soo hoyatay Soomaaliya iyo Hormuud Telecom oo sannadkii horena ku guuleysatay abaalmarinnada caalamiga ah ee ๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐จ๐ง๐๐ฒ, ๐๐ฅ๐จ๐๐๐ฅ ๐๐จ๐๐ข๐ฅ๐ (๐๐๐๐๐), iyo ๐๐ก๐๐ง๐ ๐ข๐ง๐ ๐๐ข๐ฏ๐๐ฌ ๐๐ฐ๐๐ซ๐.