Muqdisho (SONNA):- La-Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xuseen Sheekh Cali ayaa Shir guddoomiyey Shirweynaha qaran ee maareynta Hubka iyo Rasaasta Soomaaliya.
Shirka ayaa looga hadlay, qiimeynta horumarka laga gaaray qorshe hawleedkii sanadlaha ahaa iyo caqabadaha lala kulmay xilligii hirgelinta, oddoroska hawlaha hortabinta leh, dhaqangelinta Istaraatijiyada Qaran ee maamulidda iyo maaraynta hubka iyo falcelinta waxyaabihi laga bartay mudadi ay socotey dhaqangelinta istaraatijiyada Qaran.
La-Taliyaha oo ku dhiirageliyay xubinihii farsamada ee ka soo qeyb galay shirka in ay dadaalkooda laba jibaaraan ayaa sidoo kale ka sheegay shirka in Soomaaliya ay rajo fiican ka qabto in laga qaado cunaqabateynta hubka iyo rasaasta ee muddada dheer saaran.
Ugu dambeyn La-Taliyaha Amniga Qaranka ayaa uga mahad celiyey wasaaradaha iyo hayโadaha amniga, horumarka ay ka gaareen shurudiihii lagu xiray soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo sidoo kale u mahaceliyey saaxibada caalamka garab istaagga ay u muujiyeen dalkeenna.