Muqdisho (SONNA):- Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland ayaa maanta markii sadexaad Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbaland horkeenay eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad oo ku eedeysan in uu dilay AUN Ex Dable Marxuum Ismaaciil Xuseen Dhoore oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada Booliiska degmada Kismaayo.
Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ugu horayn furay Maxkamadda isagoo dhinaca kalana suโaale weydiiyay Eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad oo markan Maxkamadda kahor sheegay in uusan si ula kac ah dil u gaysan.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Mowliid Axmed Yaasiin ayaa maxkamadda kacodsaday in Eedeysanaha la marsiiyo ciqaabta qodobada ay kusoo eedeeyeen.
Abuukaataha difaacaya eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad ayaa Maxkamadda kahor sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta uusan keenin maqraati ku filan in eedeysanaha dil bareer ah uu gaystay.
Ugu dambayn Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa Maxkamadda soo xiray