Muqdisho (SONNA):- Xulalka kubadda cagta ee Qarankeen ayaa caawa la ciyaari doona dhiggiisa dalka Algeria kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.
Ciyaarta ayaa bilaaban doontaa 7:00 PM, waxaana lagu ciyaari doonaa Garoonka; Mandella Stadium oo qaada 40,784 taageere.
Taariikhda waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmi ah ku kulmayaan labada xul, dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.
Algeria waxa ay koobka Adduunka ka qeyb gashay 4 jeer, waxa ayna raadinaysaa in markii 5-aad iska xaadiriyaan koobka aduunka ee 2026-ka.
Xulka Qaranka Soomaaliya hal jeer oo kaliya ayuu badiyey kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxa ay ahayd, sanadkii 2019-kii xilligaas uu xulkeena 1-0 kaga adkaatay Xulka dalka Zimbabwe.
Marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda cagta, xulka Algeria waxa uu Qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 33-aad Halka xulka Qaranka ee Soomaaliya uu ka jiro booska 196-aad.
Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga soo xulay gudaha iyo dibadda waxa uu ku jiraa Group-G waxaana ku wehliya Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana