Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading:  In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha >  In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

 In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 12, 2023
9 Min Read
Share

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka mara ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Ceel-waaq, Baardheere iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaa kaloo jira fataha Webiga Shabeelle ayaa isna khasaare badan gaarsiiyay in uu maro, inkastoo ay kala khasaare badan yihiin, waxaana ugu sii daran Magaalada Beledweyne iyo Mahadaay oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Aan ku hormarnee Gobolka Gedo, Gudiga fatahaadaha gobolka Gedo oo war cusub ka soo saaray xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinkii ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha. Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheega in Hal qof uu ku dhintay maalinimadii shalay, kadib markuu qaaday biyo ka soo rogmaday togga weyn  ee Mara deegaanka Qooney ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka jirto dhibaato uu sababay Roobabka wata daadadka.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Degmada Baardheere oo iyagana qeylo dhaan ka soo saaray Xaalada Buundada Baardheere oo go.day iyo Baaq Codsi oo ku aadan u gurmashada dadkii ku barakacay Fatahaada Webiga Jubba oo fatahaad aad u ballaaran geystay iyo Daadadka ka dhashay Roobab ka da’ay Deegaannada Degmadaasi, waxayna codsadeen in gargaar deg deg ah lala soo gaaro, iyadoo ay caddeeyeen in dhibaatada ugu weyn ay tahay khasaaraha ka dhashay Dumidda Buundada.

Roob 12-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da,ayay Gobolka Mudug ayaa sameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Ceeldibir oo ka tirsan Degmada Hobyo ee Bariga Gobolka mudug. Maamulka Ceel-dibir ayaa sheegay inay dumeen ku dhawaad 20 Guryo ay deganaayeen dadka Deegaankaasi, waxaana magaalada ku rogmaday Biyo Fara badan,  Maamulka Ceel-dibir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay wadaan dadaalo xooggan oo loogu gurmanayo dadkii guriyaha ku waayay Roobka.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland,  kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Webbiga Jubba ee mara Degmooyinka Gobolkaasi ayaa dhawaan laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah. Sidoo kale Hey’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah, kuwaasi oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo, waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deegannada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor Hey’adda SoDMA Doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

Magaalada Beledweyne iyadana waxaa laga soo warenayaa in uu Daadka iyo fataha Webiga oo is wata ay wada saameeyeen dhammaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladaasi, iyadoo inta badan Dadku ku noolaa Xaafadahaasi ay isaga baxeen, iyagoo u baxay meelaha taagga ah iyo Miyiga fog, waxayna u baahan yihiin in lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin.

“Aan dareenkeenna ku leexino Walaalaha ay Daadku dhibta gaarsiiyeen kuna garab istaagno hadba wixii aan awoodno. Allaah ha u dhib yareeyo Walaalaheenna xaaladda adag ku sugan, ha yaraysan inta Aad karto”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala. “Inkasta oo Dad badan oo Soomaaliyeed ay waxyeeleeyeen Daadku, haddana waxaa ugu xanuun badan kuwa ay Khawaarijtu heysato oo aan xogba laga haynin, gurmadna aanay u ogolayn, Rabbi ha gargaaro dhibanayaasha!”, Mudane Cadaala oo dareenkiisa ka hadlaayay ayaa sii raaciyay.

Haddaba si loo dhaqaajiyo arrimaha bini’aadannimo khasaarooyinka ka dhashay Daadadka iyo fataha Webiyada ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac uu guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Roobabka iyo daadadka El-nino, isagoo ka hadlay kulanka ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo madaxda Hay’adda SoDMA inay mideeyaan dedaalkooda, isla markaana gurmad degdeg sidii loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ay ka shaqeeyaan maalin iyo habeen.

Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa Dawlad Goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa dadaal wayn ugu jirta sidii samafal degdeg ah loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta dhibku gaaray sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay daadadka ku soo rogmaday Wadddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim ah, kuwaasi oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kale ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada ee xiray Waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagaxyada ku xiran Waddooyinka caasimada, kuwaasi oo muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Ra’iisal Wasaare Xamsa waxaa kaloo uu ka hadlay fataha Webiyada iyo daadaka wayeelada u geystay qaar ka mid ah Gobolada Dalka ayaa sheegay in daadadka ka dhashay Roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan Nus milyan Ruux, kuwaasi oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen. “Waxaa dhibaato weyn oo uu Roobku geystay ka jirta illaa  labaatan iyo dhowr degmo oo dalka ka mid ah, waxaan cabsi weyn ka qabta in Webiga Shabeelle uu soo buux dhaafyo, islamarkaana uu qaado dadka Reer Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee dhaca Webiga jiinkiisa. Waxaan la nool nahay barwaaqo iyo dhibaato aan isku tagi karin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

“Ciidamada qalabka Sida qeybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saameysay Roobabka waa inay si degdeg ah qeyb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. “Dhib badan ayuu geystay Roobkii da’ay Waddooyin badanna wey xiran yihiin caafimaad daro ayaa jirta Wadan barwaaqo ah oo dadkiisa saas u eg yihiin halkaan ayaa laga helaa”, ayuu sii raaciyay Mudane Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha, inkastoo uu socdo dadaal, basle waxaa loo baahan yahay mid intaa ka ballaaran, waxaana loo baahan yahay kaalmo caalami ah maadaama ay tahay masiibo qaran.

Shirka loogu hadlayay xal u helida musiibooyinka ka dhashay Roobabkii daadadka watay ee ka da’aya Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u gar-gaarida shacabka ay waxyeelada ka soo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay, una taagan samatabixinta Bulshada ayaa lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha Ummadda ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobolada dalka ee ku soo fool leeyihiin Roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, waxaana loogu digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada ah iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan khataraha la saadaaliyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Shabeellaha hoose(SONNA):-Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka madasha 2-aad ee Maayarrada dalka oo lagu soo xiray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay sharaf sagootin ah u sameeyey  Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada, kuwaas…

GudahaWararka
May 24, 2023

Maamulka Hay’adda Maareynta oo deeq raashin ah gaarsiiyay Xudur

Gddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle maanta deeq raashin ah gaarsiiyay dadka ku dhaqan Magaalada Xudur ee…

Gudaha
March 31, 2023

Wasiirka Cadaaladda oo Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha D/G Galmudug.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha Dowladda Galmudug ee…

GudahaWararka
September 23, 2024

23 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Afgooye(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fuliyay howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka…

GudahaWararka
December 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023