Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 42aad, ee Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee loo soo gaabiyo (UNESCO), oo ka socda magaalada Paris, ee dalka Faransiiska.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu ka jeediyay wasiirka Shirweynaha Guud ee UNESCO ayaa waxaa uu kaga hadlay xaaladda Waxbarashadaย ee Soomaaliya iyo sida ay Dawladda Soomaaliya uga goโantahay baahinta waxbarasho tayo leh si wax loogu qabto ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho laโaanta haysato. Waxaa uu wasiirka si gaar ah u xusay kumannaankii macallimiin ee dhowaan la qaatay iyo kumannaanka kale ee dhowaan la qaadan doono, si baahida waxbarashada ee dalka wax looga qabto.
Wasiirka waxa uu ammaanay mabaadiiโda ay ku dhisantahay Hayโadda UNESCO oo ah in dalalka xubnaha ka ah ay iska kaashadaan horumarinta iyo sare-u-qaadista tacliinta iyo dhaqanka si loo helo duni ku dhisan is-qaddarin, wax-wadaqabsi iyo iskaashi.