Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 8, 2023
7 Min Read
Share

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-   Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo  kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Webiga Jubba maro ayaa ku fatahay waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay dhawaan, balse waxaa la soo sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa ay ka sii darayaan, waxayna wararku sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo, halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa cagta mariyay Beero badan oo ku yaallay labadaasi Degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro Barakac ballaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha Webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay Webiga Jubba, halkaasoo uu ka geystay barakac ballaaran iyo khasaarooyin kale.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyay bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayay saraakiisha howshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyay Qoysas ay saameyn ku yeesheen Roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, sidaasi awgeed ayay War-saxaafadeed ka soo saaratay Hey’adda maaraynta musiibooyinka, taasi oo ku sheegtay in bilowgii bishii Oktoobar 2023-ka, guud ahaan dalka ay ka curteen Roobka  xilliga Deyrta, inta badan Roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena Waddooyinka ka xermaan, taasi oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, Barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof,  halka Dhimashada guud ay tahay 29 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 305,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

Mar ay ka hadleysay dhinaca GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA  ayay sheegtay in Hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si deg deg ah u diyaarisay agabyo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Rashiin la gaarsiiyay in ka badan sedex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal Doon iyo laba Matoor magalada Luuq, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe, kuwaasoo lagu badbaadinayo dadka ay ku go’doonsan musiibada daadadka . Hay’addu waxaa kaloo ay diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada ka dhasha biyaha.

Wara-saxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Maareynta Misiibooyinka Qaranka ayay waxay ku soo jeedisay BAAQ, kaasi oo u qornaa sidan:- “Waxaan baaq u diraynaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arrimaha bini-aadanimada in ay dar-dar galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso. Sida aan la socono xiligan Deyrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladdu ka sii dari-doonto sida ay hadda tahay, Haddaba waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galin kara naftooda iyo Maalkooda”.

Waxay Hey’addu ugu dambeyntii soo jeedineysaa “Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinaynaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha shacabka oo hambalyo u diray dhiggiisa cusub ee Turkiga 

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka la…

GudahaWararka
June 8, 2023

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo furay Shirka Madasha Garsoorka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka, Mudane Bashe Yusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka madasha garsoorayaasha. Madashan ayaa waxaa…

GudahaWararka
August 28, 2024

Wafdi ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Garoowe gaaray

SONNA (MUQDISHO)- Waxaa maanta magaalada Garowe ka dagay wafdi ay hogaaminayso Wasiiradda Caafimaadka ee XFS Dr Fawziya Abikar NUur. Wafdiga…

GudahaWararka
January 29, 2022

Madaxweyne Farmaajo oo faray Fahad Yaasiin in uu sii wado hoggaaminta NISA

Muqdisho…SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray…

GudahaWararka
September 6, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023