Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 8, 2023
7 Min Read
Share

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da’ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-   Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo  kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go’ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo,  waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in “Dadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiin”.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Webiga Jubba maro ayaa ku fatahay waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay dhawaan, balse waxaa la soo sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa ay ka sii darayaan, waxayna wararku sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo, halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa cagta mariyay Beero badan oo ku yaallay labadaasi Degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro Barakac ballaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha Webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay Webiga Jubba, halkaasoo uu ka geystay barakac ballaaran iyo khasaarooyin kale.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyay bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayay saraakiisha howshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyay Qoysas ay saameyn ku yeesheen Roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, sidaasi awgeed ayay War-saxaafadeed ka soo saaratay Hey’adda maaraynta musiibooyinka, taasi oo ku sheegtay in bilowgii bishii Oktoobar 2023-ka, guud ahaan dalka ay ka curteen Roobka  xilliga Deyrta, inta badan Roobka ayaa si xooggan uga da’ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go’doomaan, halka kuwa kalena Waddooyinka ka xermaan, taasi oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, Barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof,  halka Dhimashada guud ay tahay 29 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 305,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

Mar ay ka hadleysay dhinaca GURMADKA HEY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA  ayay sheegtay in Hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si deg deg ah u diyaarisay agabyo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Rashiin la gaarsiiyay in ka badan sedex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hay’adda SoDMA gaarsiisay hal Doon iyo laba Matoor magalada Luuq, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe, kuwaasoo lagu badbaadinayo dadka ay ku go’doonsan musiibada daadadka . Hay’addu waxaa kaloo ay diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada ka dhasha biyaha.

Wara-saxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Maareynta Misiibooyinka Qaranka ayay waxay ku soo jeedisay BAAQ, kaasi oo u qornaa sidan:- “Waxaan baaq u diraynaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arrimaha bini-aadanimada in ay dar-dar galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso. Sida aan la socono xiligan Deyrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladdu ka sii dari-doonto sida ay hadda tahay, Haddaba waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galin kara naftooda iyo Maalkooda”.

Waxay Hey’addu ugu dambeyntii soo jeedineysaa “Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinaynaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

Muqdisho(SONNA);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Yeman

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku…

GudahaWararka
May 22, 2024

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay danjireyaasha Jaamacadda carabta iyo Germany ee Ethiopia

Addis Ababa-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta ee…

GudahaWararka
October 8, 2023

Taliska ciidanka Asluubta oo soo saaray awaamir lagu aruurinayo caruurta dayacan

SONNA (MUQDISHO)- Taliska Ciidanka Asluubta ayaa soo saaray awaamir cusub oo lagu aruurinayo caruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa aanan lahayn…

GudahaWararka
December 13, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay xaafad casri ah oo laga hirgalinayo Muqdisho 

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta…

GudahaWararka
October 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023