Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, si uu ugu kuurgalo hambsami u socodka howlaha ay Qaranka u hayaan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo ka dhageystay masuuliyiinta wasaaradda warbixino la xiriira adeegyada ay wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.
Kormeerka Ra’iisul wasaare Xamse ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda #Dan-qaran iyo hey’adaha kale ee dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.