Muqdisho (SONNA):- Ku dhawaad 300 Qoys ayaa ka barakacay guryahooda ka dib markii uu saameeyey Roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan.
Roobabka ka daโay magaalada ayaa saameen ku yeeshay dadka magaalada, iyaga oo dadka ka barakaceen guryahooda, xilli ay deegaan sadeen duuleedka magaalada gaar ahaan Ceeljaalle.
Waddooyinka magaalada Baladweyne ayaa lagu arkayay bulshada magaalada oo ka barakacaya guryahooda iyaga oo duleedka magaalada maciin badan, ka gadaal markii ay saameeyeen Roobab wata daadat.
Qaar ka mid dadka magaalada oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa dowladda ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka ku barakacay daadadka, sidoo kale waxa ay sheegeen in magaalada ay ku soo hareen dad kooban.
Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka curtay Roobka deyrta oo illaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof, sida lagu sheegay bayaan maanta ka soo baxay shir uu Raโiisul Wasaare ku xigeenka uu la yeeshay ganacsata dalka.