Muqdisho (SONNA):- Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hayโadaha Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in dhammaan bahda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka ay is weydaarsadaan afkaarta iyo aqoonta la xiriirta maamulka, maareynta iyo kor-u-qaadista adeegyada cadaaladeed ee guud ahaan dalka, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Bashe Axmed, Wasiirka Cadaalada Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Xerr-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleyman, Wasiirada Cadaaaladda Dowladd Gobaleedyada xubnaha ka ah DFS, Madaxda Ciidanka Asluubta, iyo Dhammaan xeer-ilaaliyaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha dalka.
Wasiirka Caddaalada ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dhammaan madaxda kasoo qayb gashay kulanka sido kalena xusay, โMadaama bulshadi Soomaaliyeed naga sugayso hoggaamin wax-badali karta waa muhiim in aynu kulamo joogto ah oo aqoon-isweydaarsi aan yeelana si aan wax u kala barano wixi hore ee aan naqaanayna dib-u-eegis ugu samayno si wadar ahna aan bulshada u gaarsiino adeeg cadaaladeed oo hufanโ.
Gabogabadii Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo furay kulanka ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay kulamada joogtada ah ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka, sido kale masโuliyiinta kala duwan ee soo xaadiray aqoon-isweydaarsigan ayaa bogaadiyay soona dhaweeyay kulankan kuna adkeeyay Wasaarada Cadaaladdu in ay joogto ka dhigto kulamadan oo kale.