Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jirta in ay ka dhaceen Gobolada Dalka qaarkood isku dhacyo ama uu dagaal dhexdooda ah uu ka qarxo beelo walaalo ah oo isku deegaan ah, walibana ay haatan ka socdaan Goboladadooda dagaal xaq ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, dagaalkaasi oo ka dhan ah Kooxda Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyadoo ay dagaaladaasi ay ugu xumaayeen kuwii ka dhacayay Tuulooyin iyo deegaanno hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, waxaa kaloo uu iska hor imaadku ka dhacay deegaanka Xanan-buurre oo hoos yimaada magaalo Madaxda Maamul-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, inkastoo laga hortagay ama la xakameeyay inay sii fiddo colaadda dhexmartay laba maleeshiyo beeleed ee wada dega deegaankaasi, kaasi oo ka bilowday isku heysasho Ceel-biyood.
Dirirta ugu darneyd waxay ka taagneyd deegaanno hoos yimaada Degmada Cadale, waxaase si xoog ah u kala joojiyay Ciidamado ka kala baxay Mahaalada Muqdisho iyo Degmada Jowhar, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Daraawiishta oo ka tirsan Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ay howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Deegaanno hoostaga degmada Cadale oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen, iyadoo Deegaannadaasi ay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac, Kufsi iyo gubid Guryo iyo Beero, kaasi oo ay dhasheen in laga barakaco deegaannadaasi.
Ciidamada Darawaashita oo ka tirsan Booliska iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa ku guuleystay ugu dambeyntii in ay gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halka kuwa kalena lagu raad joogo soo qabashadooda, sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhowaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay, waxayna ciidamadu amar ku qabaan in si toos ah loola diriro cidii isku taaktay ama diidda kala hortimaada Ciidamada amniga.
Saraakiisha ugu sarreysay ciidamada Daraawiishta ayaa qeyb ka ahaa howlgalka oo uu ugu horreeyo Generaal Cabdullaahi Mire oo ah taliyaha ciidamada Daraawishta, Dhamme Cabdullaahi Yuusuf Kheyre oo ah taliyaha ururka 3-aad Daraawishta ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah Dhamme Xaashi Maxamuud oo ah taliyaha ururka 1-aad oo ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose, balse hadda ku sugan Shabeellaha dhexe iyo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage oo ah abaanduulaha guutada 1-aad ee Daraawiishta.
Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta, kuwaasi oo shacabka ku dhaqan deegaannadaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya, si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan, islamarkaana la damacsan yahay in lagu hakiyo dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Haddaba maxaa keena in ay beeluhu walaalaha ah ay colad dhexmarto xilli ay dowladdu dagaal kula jirto Kooxda Khawaarijta ee ASl-shabaab?, arintaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxa uu ugu horreyntii ka hadlay falkii waxashnimada aheyd ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay inay cambaareynayaan dhacdadaasi, islamarkaana ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, ama weerar fulannimo ah oo ka fog Islaamnimada iyo waliba dhaqanka suuban ee Soomaalida oo ah in la dilo Dad biri-ma geydo ah oo Ganacsanayay oo goobtoodii jooga ee loo dilo aarsi qabiil, wuxuuna intaasi raaciyay in arrintaasi oo aheyd mid fajac ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyay in kuwii falkaasi geystay la aqoonsaday dhawaanna la soo qaban doono, sharicgana la hor keeni doono.
Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, isagoo xusay in aanay mar dambe fal noocaan oo kale ah uusan nagu soo noqon,” sidoo kale waxaan rabnaa inaan si weyn uga mahadceliyo ciddii ka howlgashay joojinta colaada, islamarkaana ayeey sii fidin, waxaana kala dhexgalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labadaasi beelood oo is maan dhaafku dhexmaaray”, ayuu sii raaciyay Wasiir Fiqi.
Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in cid kasta oo caqliga u saaxiib ah inay ka shaqeeyaan in loo istaago joojinta colaadda beelaha walaalaha ah, islamarkaana waxa uu ku baaqay inay yimaadaan gogosha wadahadalka, waxa uu aad u xusay in arrinta ka dhacday Magalada Dhuusamareeb dadka Soomaaliyeed waa ka dhiidhiyeen waana ay ka naaxeen, waxaana aad loo muujiyay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dhacdaasi foosha xumeyd, iyagoo ku muujiyay in Ardeydii aysan Iskuulada aadin, ganacsigii magaalada oo joogsaday, iyadoo lagu muujinayo sida ay uga xun yihiin dhacdaasi.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu aad u ammaanay Ciidamadii ku baxay deegaannada dirirtu ka dhacday ee hoos imaanayay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee kala dhexgalay, islamarkaana ka wada howlo xasilin ah iyo in la baacsado maleeshiyaadkii halkaasi dhibaatada ka waday oo beelaha walaalaha ah isku dirayay, waxaa kale uu baaq u diray beelaha kale ee ku diraraya meelo ka tirsan Gobolka Mudug iyo meelo kale inay iyaguna colaadda joojiyaan, islamarkaana ay ku baxaan waxgaradka iyo Odoyaasha Beelahaasi.
“Waxaad moodaa in Wejiga 2-aad ee dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah markii uu bilowdayay oo ciidamada qalabka Siday furumihii la geeyay, ayna diyaar u ahaayeen sii dabar goynta Shabaabka in isku dhacyo soo noq noqonaya oo aad moodid inay qorsheysan yihiin in maalmahaan dambe ay soo cusboonaadeen, mar walba oo ay khawaarijtu xaalad ciriiri ah gashana ay bilowdaan is dirka beelaha, in badan oo dadka ka mid ah ayaa isku xira arrintaasi inay ka dambeeyaan Khawaarijta, kuwa huriya colaadda waana dad u adeegaya kooxda, una hiillinaya Khawaarijta, si uu u hakado dagaalka lagula jiro, marka waxaan leenahay ujeedka khawaarijtu mar kale ma shaqeyn doono, ciidamada amniguna gacan bir ah ayay ku qabanayaan kuwa u adeegaya kooxda gabalkoodu sii dhacayo”, ayuu ku soo xiray hadalkiisa Wasiirka.