Maamulka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed ayaa deeq kutubbo Qur’aan ah u qeybiyay qaar kamid ah ardayda wax ku barta Madaarista Qur’aanka ee magaalada Baraawe oo ka tirsan Gobolka SH/Hoose.
Deeqdaan oo sidoo kale loo qeybiyay dugsiyada degmadaasi iyo Talisyada Ciidanka,waxaa horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed Nuur Siidoow Baaba.
Deeqdaan oo ka koobneyb shan boqol oo kutub waxaa loogu talagalay sare u qaadidda iyo dhiirigalinta akhriska quraanka kariinka ah.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta koonfur Galbeed Nuur Siidoow Baaba oo ka hadlay bixinta deeqdaasi ayaa macalimiinta dugsiyada ugu baaqay in caruurta laga ilaaliyo qaadashada fahamka qaldan ee khawaarijta ,isagoo sheegay in xilliyada soo socda ahmiyad gaar ah la siin doono macalimiinta dugsiyada qurโaanka.