Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’ud Aweys Jamac ayaa dalka Rwanda waxaa uu kaga qeyb galay Shirka Golaha Dalxiiska Adduunka.
Wasiir Daa’ud Aweys oo shirka ka hadlay ayaa xusay in dalxiiska Soomaaliya ku socda dhabihii dib u soo kabashada uuna dalka diyaar u yahay inuu soo dhaweeya dalxiisayaasha aduunka.
Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’ud Aweys Jamac ayaa aduunka la wadaagay guulaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka gaartay xasilinta dalka iyo ciribtirka khatarta Khawaarijta Al Shabab.
Qaar ka mid ah dalxiisyaasha adduunka ayaa sannadihii dambe dalka soo gaarayey, iyaga oo dalxiis ku tagay goobaha taariikhiga ee dalka ku yaala, taas oo keentay in dowladda ay ku guuleysatay dib u hanashada dalxiisayaasha adduunka.