Doolow (SONNA):- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gado sida degmada; Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo, taas oo sababtay in xaafadaha uu ku fatahay wabiga laga barakaco.
Degmada Luuq ee gobolka Gado oo wabiga ku fatahay ayaa sababay in xaafadaha degmada laga bara kaco, kaddib markii ay biyo badan ay soo galeen xaafadaha 24 saac ee la soo dhaafay.
Maamulka gobolka Gado iyo kan degmada Luuq oo booqday xaafadaha uu ku fatahay wabiga ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, ka gadaal markii uu ku fahay wabiga Jubba oo xilligaan biyo badan keenay.
Guddoomiyaha maamulka degmada Luuq ee gobolka Gado oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Xaafaddaan waad aragtaan guryaheedii, dadkii ku jiray way ka baxeen. Biyaha fatahaad dhibaatada ay keeneen waaye waxa aan ka hadlayno, marka hore illaahay ayaan ka baryeenaa in uu u gargaaro, marka labaad waxa aan baaq u direynaa Maamulka Jubbaland oo aan ka tirsannahay iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.”
Maamulka gobolka Gado ee dowlad gobaleedka Jubbaland oo ayaa dhankooda waxa ay u baaqeen in gurmad lala soo gaaro dadka u uku fatahay wabiga, iyaga oo xusay in dadkaan ay ka barakaceen guryihii ay degnaayeen.