Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
“Waxaan rabaa in aan baaq u diro dadka walaalaha ah ee dilalka foosha xun ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee ahaa fal aad u xun oo aan ku wanaagsaneyn islaanimadda, Ehelnimadda iyo dadnimadda Soomaaliyeed intabaa, waana fal ka soo horjeeda in dad birimageedyo ah oo ganacsanaya oo goobtoodii jooga in la dilo oo loo beegsado aarsi Qabiil iyo waxa la mid ah, arrintaas oo ahayd mid fajac ku noqtay shacabka, waxaan ugu baaqayaa in arrimahaas oo kale aysan dib ugu soo noqon dalka oo dhan.โwaxaa sidaa yiri Fiqi.
Dhanka kale Axmed Macallin Fiqi ayaa baaq nabadeed u jeediyay colaadaha ka soo cusboonaday deegaanka Xanaan buuro iyo deegaanno hoostaga gobolka Mudug, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in laga baaqsado colaadaha, sidoo kale waxaa u baaq u diray in ay ka hortagaan oo ay ku baxaan dadka waxgaradka ah, Odayaasha dhaqanka, maamulka iyo hay’addaha amniga si xal looga gaaro dirirta ku soo noqnoqtay deegaanadaas.
Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, ”waxaad mooda in wajiga labaad ee dagaalka marka u bilaabanayo oo ay ciidamada qalabka sida ay furimaha ku dhaw yihiin ay bilowdaan isku dhacyo soo noqnoqnaya oo aad moodo in ay qorshaysan yihiin in ay maalmahaan danbe soo cusboonadeen, marwalba oo Khawaarijta xaalad cariiri ah gasho beelo iyo in badan oo dadka ka mid ah ay isku xirayaan arintaas waxaa ay ku biyo shubanayaan in Khawaarijtu ay maalgalinayso, marka waxa aan leeyahay midabkasta oo ay Khawaarijta leedahay waa loo jeeda, waxa aan lee yahay Laamaha amniga oo ay faran yihiin, in ay amniga iyo xasilloonida ay soo celiyaan, falalka Khawaajirta loogu adeegay oo loogu hiilinayo oo ay maleeshiyadka qabaaโilka ku marmarsiyoonayaan colaada beelah ee dhacay balse aysan taasi sax ahayn oo ay soo qadanayaan midabka beesha waa in arrintaas gacan bir ah lagu qabto, ciidamaddana ay feejignaadan inta laga saarayo Khawaarijta dalka oo ay howlgalka u socdo.”
Waxaa u hadalkiisa ku soo gabagabeyay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsanaan doonto colaad danbe oo beeleed,inta u socdo howlgalka ka dhanka ah xoreynta deegaanada Khawaarijta ay ku harsan yiihiin in ay yihiin falal ay ka danbeeyaan Khawaarijta,Maamullada Galmudug, Puntlanda iyo Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay tallaabo degdeg ah oo lagu heeshiisiinayo dadka walaalaha ay qaadan,dowladd Soomaaliya waxa ay diyaar u tahy gacan kasta oo lagu joojin karo colaadaha.