Jowhar (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Jowhar ahna duqa Caasimada iyo ku xgeennadiisa.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Jowhar, taas oo lagu doortay gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Jowhar ahna duqa caasimada iyo labadiisa ku xigeen.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey dhamaan masuuliyiintii ku soo baxday doorashada, isagoo sidoo kale bogaadiyay hanaanka doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.
Caasimada Hirshabeelle ee Jowhar ayaa yeelatay gole deegaan 30 sano ka dib, taas oo muujineysa in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul u dhisida dhamaan Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.