Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay madaxa WFP ee Soomaaliya mudane El-Khidir Daloum.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay adkeynta wada shaqeynta SoDMA iyo WFP, arrimaha maareynta xaaladda xilli roobaadka El-Niño oo Hay’adda SoDMA qayb wayn ka gaysatay wacyigalinta iyo digniinta hore, gargaarka deg-degga ah iyo qaabka ka hortaga aafooyinka.
Mudane Maxamuud Macallim ayaa WFP uga mahadceliyay dadaalka aan hagarta lahayn ee 30 kii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka wadday Iyo wada shaqeeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa Hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.