Rome (SONN): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaadabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.
Heshiiskan iskaashi ayaa labada dhinac waxay wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah , iyo in dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.
โโHeshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka. SONNA waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa soo gudbinta wararka ku saabsan gudaha dalka iyo guud ahaan caalamka. Wadashaqeynta ANSA waxay shaki laโaan sii xoojin doontaa awoodda SONNA, taas oou sahlaysa inay kor u qaaddo tabinta wararka, ballaarinteeda iyo gaarsiinta xogta saxda ah ee bulshada Soomaaliyeed.โโ Sidaana waxaa sheegay wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa heshiiska ay labada dhinac gaareen.
Wasiirka ayaa intaa ku darey in heshiiskan uu sidoo kale ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar,ย halka dhanka Talyaaniga uu u saxiixay Stefano De Alessandri oo ah Agaasimaha Wakaaladda Wararka ANSA.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo masโuuliyiin kale oo ka socday ANSA.
Wakaaladda Wararka SONNA ayaa 12kii bilood ee la soo dhaafey sameynaysey horumar dhanka tebinta wararka iyo xoojinta xiriirka dibedda, isla markaana ay noqotey isha ugu muhiimsan ee wakaaladaha caalamka ay ka qaataan wararka Soomaaliya. Ilaa iyo 60 warbaahin caalami ah ayaa toddobaad kasta soo xigta wararka SONNA 12 biloodkii ugu dambeeyay. ANSA ayaa ka mid ah wakaaladaha wararka Soomaaliya inta badan ka soo xigta SONNA.
SONNA ayaa waxaa la aasaasay 1964-kii waxayna udub dhexaad u ahayd intii ay shaqeyneysay tebinta wararka gudaha iyo dibedda, isla markaana bulshada ka haqabtirto helista xogta saxda ah.