Sanad walba 24 Oktoobar waxaa loo dabaaldegaa Maalinta Qaramada Midoobay oo lagu maamuuso sannad-guuradii kasoo wareegtay dhaqan-galkii Axdiga Qaramada Midoobay ee 1945, kadib markii ay ansixiyeen dukumeentigan muhiimka ah wadamada saxiixayaasha ah intooda badan, waxaana si rasmi ah u howlgalay Qaramada Midoobay,
Munaasabad ka dhacday Magalada Muqdisho kadib ayay ka hadlashay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho oo lagu xusayay maalinta Qaramada Midoobay, ayay Ergayga Gaarka ah ee QM Catriona Laing, ku baaqday in horumar laga sameeyo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tiri “Dastuurku wuxuu qeexi doonaa doorarka”, waxay kaloo xustay inay ka go’an tahay xaqiijinta ka qeybgalka Haweenka ee nabadda iyo amniga.
Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo sidoo kale munaasabadda ka hadleysay waxa ay faahfaahin ka bixisay wada shaqeynta Qaramada Midoobay, dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo caddaaladda loo dhan yahay, gaar ahaan Haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha la hayb-sooco, iyada oo loo marayo wada-hadal bulsho, xallinta khilaafaadka, iyo hoggaaminta haweenka ee caddaaladda, waxaa kaloo la xusay Halista ElNino ay ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, iyadoo waliba Malaayiin qof ay ku sugan yihiin cunto yari, ayuu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Gargaarka ee Soomaaliya, George Conway ku baaqay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo farqiga dhaqaale ee $2.6 bilyan ee Qorshaha wax ka qabashada Bani’aadamnimada, isagoo ka dhinac hadlayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Dhankeeda, Aisa Kirabo Kacyira oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku xustay hadalkeeda in guusha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya lagu qeexi doono guusha marka Soomaalidu la wareegaan amniga iyo horumarkooda, waxayna mar kale xaqiijinaysaa in UNSOS ay ka go’an tahay taageerad ATMIS iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah, iyadoo gabagabadii shirka jaraa’id, masuuliyiinta Qaramada Midoobay waxay bogaadiyeen horumarka Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka gaareen, Nabadda, Horumarka, Xuquuqda Aadanaha, waxayna carrabka ku adkeeyeen sii joogteynta Qaramada Midoobay ee lagu gaarayo Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.
Dowlada Soomaaliya waxay marba mark aka dambeysa ku talaabsaneysaa horumar tar-tiib tar-tiib ah, waxaana laga dareemayaa in Miisaaniyadda dowladda ay sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.) taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 25%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka aan caadi aheyn shir-guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.
Isbarbar dhigga miisaaniyadda seddexdii sanno ee u dambaysay waxaa ka muuqda isbeddel iyo horumar, taasi oo ku timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal adag la gashay Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, iyadoo aan ogsoonahay in Dad badan loo soo istaajiyay Maxkamadda, iyagoo qaarkood xukun ku dhacay, qaar kalena la sii daayay kadib markii dambiga lagu eedeeyay lagu waayay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa warbixin kooban ka bixiyay Miisaaniyadda iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay kuwii hore. “ waxaa aad u farxad leh in 3-dii bilood ee la soo dhaafay uu dakhliga gudaha uu kordhay in ka badan boqolkiiba shan iyo labaatan (25%), halka kororka guud ee Miisaaniyadda uu dakhliga gudahuna ka yahay 22%, marka waxaad dareemaysaa in dakhliga guduhu uu xaddiga gudaha uu kor uga kacayo marba marka ka sii dambeysa, waa arrin in la bogaadiyo u baahan oo taariikhi ah, haddii ay sidaasi ku soo socotana ay keeni karto dhammaan kharashaadka gudaha laga dabooli doono”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.
“Waxaan hadda wadnaa in dakhliga guduhu ku fillaado Mushaaraadka iyo Gunnooyinka Dowladda oo aan kab uga baahneyn meele kale nooga yimaada, arrintaasi arrin weyn weeyaan, waxaana ugu baaqayaa in Shacabku Soomaaliyeed ay bixiyaan Canshuurta, si adeeggooda dib loogu celiyo sida Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinkana loogu dhiso, waxaan kaloo sugeynaa in sanadkaan dhammaadkiisa la inaga cafiyo Deymanka”, ayuu Wasiir Biixi hadalkiisa sii watay sidaasi sii raaciyay.