Shiinaha waa dal weyn oo dhaca Bariga Qaaradda Aasiya, tirade Dadka ku nool waxa uu gaaraya 1Bilyan iyo 4boqol oo Milyan (1.4) Bilyan, waana dal horumar wanaagsan ka gaaray dhanka dhaqaalaha, Tiknooliyada IWM, waxa uuna ka mid yahay meelaha kooban ee laga heli karo Taariikhaha fog ee Ummadaha Aduunka, islamarkaana keydiyay waxayaabo la xiriira dadkii noolaa kumanaan sano ka hor, kana muuqdaan magaalooyinka waawayn ee Dalkaasi.
11-kii Bishan October 2023-ka ayaa aniga iyo wafuud ka ka kala socota wadamo badan ay gaareen dalka Shiinaha, ugana bilaabatay halkaasi booqoshooyin rasmi ah oo la xariirta ka qeyb-galka shirkii halkaasi ku soo gabagaboobey, shirkaasi oo loogu magac daray ‘Belt and Road Initiative’, intii aan joogay Dalkaasi, waxaan booqoshooyin ku tagnay qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalkaasi, kuwaasi oo ka mid ah, Shanghai, Shaoxing, Wenzhou, Quanzhou iyo kuwa kale oo dalkaas ka mid ah, ilaa magaalada Beijing ee caasimadda dalkaasi ka soo gaarno, markaasi kadib 16-kii October ayaan ka qeybgalay shirweynaha Belt and Road Initiative ee 10 sano jirsaday, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen wafuud ka socotay dalal gaarayaya 90 dowladood, waxaana fikraadi lahaa Madaxweynaha Dalkaasi Xi Jinping.
Marka laga soo tago soo dhaweynta wanaagsan ee shacabka iyo Madaxda magaalooyinka kor ku xusan, waxaan qormadan Diiradda ku saarayaa magaalada Taariikhda fog leh ee Quanzhou oo ah magaalo ganacsi iyo mid Taariikheed, waxaana dul istaagi doonaa soo dhaweynta wanaagsan ee dadkeeda, xiriirka ganacsi ee fog ee kala dhaxeeya bulshada qaaradaha kala duwan ee Dunida iyo keydinta iyo Raadadka Taariikheed ee halkaasi laga heli karo.
Madax heerkeedu sarreeyo ee dalka Shiinaha iyo wafdigeena ka socda dalalka kala duwan ayaa 15-kii October 2023-ka ku gaaray magaalada Quanzhou tareenka nooca dheereeyo ayaa wax ku badan 600 oo KM nagu gaarsiiyay 3 saac ,waxaana halkaasi si weyn noogu soo dhaweeyay maamulka gobolka ee halkaasi iyo Dadweynaheeda.
Quanzhou marka aad soo gaarto waxaa kuu muuqanaya magaalo meel kasta uu ka muuqdo taariikhda fog ee magaalada sida guryaha, suuqyada ganacsiga, hotelada iyo goobaha cibaadada sida masaajidda iyo kaabayaasha dhaqaale ee magaaladaas oo dhammaan aad ku arki karto fogaashaha taariikheed ee Magaaladaasi. Isla galabtiiba waxaan booqoshooyin ku tagnay goobaha dadyowga kala duwan u tagaan cibaadada oo taarikho hore ka muuqdaan sida dhismayaasha iyo Geedaha meelahaan tagnay ka baxay, waxaana si gaar ah u xusi karaa Geed da’ ahaan in uu jiro naloogu sheegay 1.300 sano wax ka badan in uu jiro kaasi oo sawirkiisa aad ka arki karto qeybta hoose.
Sidoo kale Masaajidda Quanzhou ayaa ah kuwa Taariikheed marka laga eego dhismayaasha facaweyn ee ka muuqdo magaalada, waxayn inoo sheegeen dadkii aan halkaasi ku booqanay qaarkood in magaaladan ay aheyd meel kulmisay dadyow kala duwan, waxaana ka mid ah dadka Muslimiinta oo Raadadkii ay ku laahaayeen wali meelo badan ka muuqdo, waana meel ay ku nool yihiin dad badan oo Muslimiin ah. Halka hoose waxaad ka arki kartaa sawirka Masjidka qadiimi ah sawirkiisa.
Madxafka ugu wayn Quanzhou kuna keydsan yihiin Taariikhda fog ee magaaladan laheyd, laguna magacaabo Quanzhou Martitime Museum ayaana ka mid ahaa meelaha kale aan booqoshooyinka ku tagnay, waxa uuna ahaa meel aad inoo soo jiitay marka laga hadlayo waxyaabaha Taariikheed ee halkaasi ku keydsan, marka laga soo tago kuwa ku qutama sooyaalka magaaladan ayaa waxaa aniga si gaar ii soo jeetay Athaarta Diimeed ee magaaladan leedahay gaar ahaan tan Islaamka. Marka aan gudaha u qalnay Quanzhou Martitime Museum waxaan ku arkay dhagxaan ku qoron Ayaadaha Qur’aanka Kariimka qaar kamid ah kuwaasi oo la qoray wax kabadan 700 sano ka hor iyo Axaadiith uu qoray Caalimka wayn ee Islaamka Bakhaari, kuwaasi oo dadka halkaasi joogeen inoo sheegeen in masaajidda ku yaala halkaasi laga helay taariikha fog ee ku qotoma Diinta Islaamka.
Dhagaxa koowaad waxaan ku qoran Ayaadda Qur’aanka ee ah كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْت ee micnaheedu tahay Naf kasta waxay dha-dhamin dhimasho, taasi oo dhagaxaasi lagu qoroy.
Masjidka ugu Taariikhda fog ee magaalada Quanzhou laga dhisay ee lagu magacaabo Masjidul Al-Shab ayaa la dhisay inta u dhaxeysay 1009-1010 Taariikheeda Miilaadiga (Kun iyo Sagaal sano- Kun iyo tobon sano ka hor) ama si kale marka loo dhigi sanadka markuu ahaa Taariikhda Islaamiga 400 sano, waxaana halka hoose ku arki kartaa dhagxaanta kale ee ku qoran Taariikhda fog ee magaalada kuna qoran Ayaado iyo Axaadiith ka sugnaatay Saxiixul Bakhaari, waana kuwa si wanaagsan loo keydiyay kuna tusaya Islaamka sida ku ahaan jiray dal waynaha ee Shiinaha.
Quanzhou Martitime Museum wax uu ka mid ahaa goobaha aadka inoo soo jiitay ee magaaladan facaweyn ugu tagnay, waana goob waxyaabo badan lagu keediyay, waxaana naloo hadiyadeeyay buug ay ku dhan yihiin waxa ku keedsan magaaladan duqda ah ee waliba koobeysa Taariikheed ilaalisay,waana ku amaanan yihiin madaxda iyo dadweynaha Shiinaha ee xifdiyay Taariikhda intaas la eg.
Ugu dambeyn Socdaalka dalka Shiinaha, waxuu iiga duwannaa Socdaallada kale ee aan ku tagay dalal badan, marka la eego soo dhaweynta wanaagsan, horumarka dhaqaale iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalkaas, goobaha Taariikheed ee halkaas lagu keediyay, waliba aniga maadaama aan ahay Muslim waxaa si gaar ii soo jeetay Taariikhda lagu keediyay Quanzhou Martitime Museum, waana ku bogaadiyay sida loo ilaalshay Taariikhda Diimeed ee Islaamka ee Quanzhou.
W.Q. Tafatiraha Wakaaladda Wararka ee SONNA Cabdiraxmaan KANAVA.