Luanda (SONNA):- Xubnaha ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qayb galay shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter -parlaimentary Unionโ oo ka furmay magaalada luanda ee ee dalka Angola.
Shirka oo ay ka qeyb gelayaan Xildhibaannada boqol iyo labataan dal oo ka tirsan ururka Baarlamaanada adduunka oo soconaya ilaa iyo 27-ka bishan October, ayaa waxaa si rasmi ah u furay madaxwaynaha dalka Angola , Joรฃo Manuel Lourenรงo.
Wafdiga uu hoggaaminaya Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Angola waxa ay kulan duceedyo la yeelan doonaan Xildhibaannada kala ee shirka ka soo qeyb galay.