Baydhabo-(SONNA)-Maxkamadda Ciidanka Xoogga qaybta 60-aad ayaa maanta dil ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo horay dilal kala duwan ugu geystay magaalada Baydhabo.
Dable hore xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa laga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo horay u dilay kadibna Ceel ku riday si aan loo arkin meedkiisa.
Dhinaca kale, Dable hore Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Axmed oo ahaa wayeel 65 jir ah.
Gacan ku dhiigle Bolol ayaa dilay marxuum Sheekh Cali ka dib markii marxuumkaย uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla Baydhaba.
Maxkamadda Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka ridday gollada dalka dilalka gacan ku dhiiglayaal horay loo xukumay.