Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka & dalxiiska mudane C/Laahi Xayir Ducaale ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaah ha u naxariistee Hassan Sabriye Afrax oo ka mid ahaa Mulaxamiintii Qaranka Somaaliyeed.
Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay doorkii uu ku lahaa horumarinta fanka Soomaaliya,gaar ahaan isku dubaridka iyo sameynta laxanka heesaha.
Mudane C/Laahi Xayir Ducaaleย waxa uu sidoo kale tacsi ugu diray qoyska marxuumka iyo shaqaalaha warfaafinta,gaar ahaan hobolada Waaberi oo uu kamid ahaa.
Agaasimaha Guud waxa uu marxuum Hassan Sabriye Afrax Ilaah uha baryay in uu ka waraaabiyo janatul fardowsa,eheladii uu ka tagayna waxa uu faray samir iyo iimaan