Jowhar, (SONNA);- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelan doona Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Yaasiin Cali, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadan.
Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay munaasabada ka dhacday Laanta Bankiga Dhexe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle ay soo dhoweeynayaan ayna ku faraxsan yihiin in adeega bankiga dhexe ee Soomaaliya uu soo gaaro Gobolada Dalka, ka Hirshabeelle ahaana uu faaiido wayn ugu fadhiyo.
Bangiga dhexe ayaa laamo cusub la hirgaliyey qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka, iyada oo horay xarriga looga jaray xarumo cusub oo laga hirgaliyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed.