Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) oo ka mid ahaa laxamiisteyaasha loogu jecel yahay hobollada Waaberi kaas oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariiste Murxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) ayaa sannadkii 1941-kii ku dhashay degmada Dhuusamareeb ee hadda ah xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Marxuumka ayaa door weyn kulahaa geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957-kii oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu la xameeyey Heesta “Hooyooy la’aantaa” ee uu sameeyey Abwaan Hadraawi.