Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 17, 2023
7 Min Read
Share

Ciidamadii tababarka ugu maqnaa Dalka Eretareeya ayaa qeyb ka mid ah soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana halkii ay ku soo degeen ugu tegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya, wuxuuna  Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo shalay dib ugu soo laabtay Dalka, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya  iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay difaca dalkooda, culeysna ku aheyd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba, waxayna dhankooda, Cutubyada soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay qoddobadda mudnaanta u leh Xukuumadda JFS ayaa hey’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.

Beryahaan waxaa soo badanaya barnaamijyo ay Dhallinyarada Gobolka Banaadir ku nool ay ku soo bandhigayaan mashruuc ay ugu magac dareen GUUL ama Geeri, iyadoo shacuurtooda ku soo bandhigayay sida ay diyaarka ugu yihiin ka qebyqaadashada dadaalka ay dowladdu ugu jirto la dagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana ka qeybqaadanaya Kooxo Fanaaniin ah oo saran gaari lagu soo xardhay sawirada Ciidamada Qaranka.

“MUQDISHO tii hore ma ahan, dhallinyaradaan dareenkooda diidmada Khawaarijta cabiraysana ma ahan kuwo la soo abaabulay ama lacag lagu soo baxshay ee waa kuwo dareenkooda iyo Kacdoonka dalka ka socda ay hagayaan. Tani waa fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Khawaarijta iyo in xasuuqii 14 oktoobar ee arxandarrada ahaa oo kale uusan aheyn Mid si fudud lagu ilaawi karo”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi. Wasiirku waxaa kaloo uu hadalkiisa sii raaciyay in Dhallinyarada MUQDISHO fursadda ay heystaan ee ah in ay garab istaagaan dadaalada dawladda Soomaaliya ay ku ciribtirayso Khawaarijta, si loo gaaro xasiloono iyo nabad suurtagalisa in Dhallinyaradu helaan wax badan oo ay hadda tabayaan.

‘Guul ama Geeri’, waa b arnaamij ay soo qabanqaabiyeen Dhallinuayarada ku dhaqan Magaalada  Muqdisho, waana xaqiiqada Xamar taalla, waa Dareenka Dadkeenna iyo Dagaalka suulinta Khawaarijta, waxaa isna Bartiisa Mareegta Face Book-ga soo dhigay qoraal uu ku cabirayo waxa hada ka socda Magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Waraafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay ‘ama Khawaarij muuqda ahoow ama Aff iyo Awlaad Khawaarij ahoow ee Waagu waa soo baryay. Waayuhuna waa is badaleen Waqtiguna kuuma wacna. Hadda Dadkeenu waa mid Dabka kor u sita oo idinku gubaya iyo mid Geesigaas garab iyo guubaabo u ah’.

Waxaa kaloo uu Wasiir ku xigeenku qoraalkiisa ku si xusay ‘Shacabkeennna Sharafta badanoow mahadsanidiin, waxa inoo haray waa iska maalmo kooban. Si aan u dhamaystirno suulinta nooc kasta oo Khawaarij iyo Maqaar Khawaarij ahba, waxaan u baahanahay in aan sii xoojino dhiiranaanta, Adkaysiga, isku duubnaanta iyo Alle kaalmaysiga’. ‘Allaah ayaan uga mahdinaynaa baraarugga Bulshadeenna halkaan soo gaarsiiyay. Dhamaanteen aan xusuusnaano in aan Mahad oo dhan u celino Allaah Subxaanahu watacaalla oo guusha iyo garashada ina siiyay, ka dibna aan oogno baryadiisa iyo in uu Nasriga inoo dhamaystiro. Alloow adiga  ayay mahad kuu sugnaatay’, ayuu qoraalkiisa ku soo khatimay Mudane Cadaala.

Magaalada Muqdisho ayaa yeelatay muuqaal yididiilo leh, taasi oo ka turjumeysa sida Dadka ku dhaqan ay ugu dhiiradeen in iyagoo aan la abaabul isu soo baxaan, ammaankoodana cidna ay ilaalineyn, kulana kala goosha Waddooyinka Magaalada goor habeen ah, waxaana arrintaasi isna qoraal mareegta Face Book-ga uu ku leeyahay ku qoray Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye qoraalkaan, ‘Sidaan hore wax badan u sheegay waxaan aaminsanahay in sida keliya ee Khawaarijta looga cidhib-tiri karo Soomaaliya in ay tahay dedaalka Dawladda oo lagu daro kacdoon shacab. Taariikhda inta la ogyahay ilaa xornimada ka hor, isbedel kasta oo micno leh oo Soomaaliya ka dhacay wuxuu ku yimid kacdoon shacab.

Waxaan amaanayaa kacdoonka Guul ama geeri ee Dhallinyarada reer Muqdisho mar kale ku baaqeen iyo dareenka wadaniyada leh ee Dhallinyarada, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiiradu dhiigooda ugu deeqeen Ciidanka geesiyaasha ah ee ku soo dhaawacma dagaalka. Waxaan soo Jeedinayaa:- 1. In Kacdoonka Shacabka loo sameeyo qorshe iyo gudiyo ay hogaaminayaan dad aqoon u leh sida loo maamulo kacdoonada Shacabka.

  1. In dhammaan masuuliyiinta Dawladda sida Golaha Wasiirada, Barlamaanka, Shaqaalaha Dawladda iyo Shacabku jidka maanta la furay raacaan oo dhiigooda ku deeqaan ilaa Ciidanku ka dhaho intaas baa naga badan’.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Muqdisho (SONNA): Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12…

Gudaha
March 3, 2026

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud iyadoo ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda…

GudahaWararka
May 15, 2024

Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)

Hadal heyntii beryahaanba la isla dhex marayay ayuu shalay soo Af jaray  Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb…

GudahaMaqaallada
August 30, 2023

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo Isbitaalka Xoogga ku booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay deegaanka Ceel Cali Axmed

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, xildhibaano ka tirsan labada gole, agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo…

GudahaWararka
February 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023