Muqdisho(SONNA):-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayo ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii fashilmay ee khawaarijta isku dayday in.degaankaas ay ku soo qaadeen.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow degaanka Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu haya mid looga jawaabayo weerarkii khawaarijta ku qaadeen degaanka Burujeed, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay ka xoreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan argagixisada.
Waxa ay shegeen sarakiisha in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Barkaan iyo degaannada kale.
Ciidanka qaranka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug kawada howlgallo khawaarijta looga sifeeynayo meelaha ay ku dhuumaleysanayaan si Bulshada u hesho Amni iyo xasilooni