Addis Ababa-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiirada dhiggiisa ah ee dalalka Congo iyo Algeria ee dalka Ethiopia kuwaas oo kala ah Amb. Daniel Owassa iyo Amb. Mohamed Lamine Laabas.
Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Congo mudane Daniel Owassa ahna madaxa Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay in Jamhuuriyadda Congo ay garab buuxa ku siinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada, si looga dhabeeyo loona fuliyo qorshaha salka ku haya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda amniga dalka oo dhan ugala wareegaan ciidamada ATMIS.
Dhanka kale Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ah ee Algeria ee dalka Ethiopia mudane Mohamed Laabas ayaa kulankooda uga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo danjire Lamine uu ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.