Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbada dhinacya badan taabanaysa xalay jeediyay ayaa ugu horayn kaga hadlay qaraxii 14-October -2017 ee khawaarijtu ku xasuuqday dad badan oo shacab ah.ilhayna uga baryay in Shuhadadaas naxariistiisa ugu deeqo.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley,uguna baaqay in ay sii xoojiyaan dagaalka lagula jiro khawaarijta
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda gudo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ku taamaya oo in dalka laga wada xorreeyo khawaarijta.
“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsan doonaa xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka balan qaaday inay soo daba fariisan doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.
“Geesiyaal waxaan idinka balan-qaadayaa in dhamaan umadda Soomaaliyeed aan idin soo daba fariisiyo, si ay idinkugu noqdaan garab iyo wehel aad dugsataan,” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheek
Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u mahadceliyay Culimada Soomaaliyeed doorka ay ka qateen dagaalka lagula jiro khawaarijta iyo u caddeenta Bulshada in dagaalka lagula jira khawaarijta uu yahay Jihaad qof walbana waajib ku yahay in uu ka qeyb qaato,si khawaarijta looga bad-baadiyo ummadda Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale oo halganka khawaarijta dalka looga sifeynayo ay ku muteysa karaan.
ugu dambeyn Madaxweynaha Xasan Sheekh waxa uu guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,waxa kalana meel la iska dhigo si dadka soomaaliyeed looga dul-qaado cadowga muddada dheer dhibaatada ku hayay.