Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale( Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ay kooxaha khawaarijtu ka geysteen isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho,Guddoomiyaha ayaa sheegay in Khawaarijtu yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed in ay dhammeeyaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay khawaarijta dabar goyn lahaayeen,guddoomiyaha ayaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyar ba loo midoobay sidii Khawaarij isaga xorayn lahaayeenโFurimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay deegaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijtaโayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale,isagoo hambalyeey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa kooxaha Khawaarijta.