Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirashid Haji Abdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo wadanka Turkeyga kaga qeybgalaayey Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkeyga iyo Afrika, ayaa wuxu halkaas kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa wadankaasi Wasiirka Ganacsiga Turkeyga Mudane/ Prof. Dr. รmer BOLAT oo ay ka wada hadleen xiriirka ganacsi iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Labada dhinac, waxay sidoo kale falanqeeyeen dhammaystirka heshiiska Iskaashi ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkeyga oo loo yaqaano TEPA kaas oo maraya heer gebogabo ah sidoo kalena muhiim u ah horumarka dhaqaale ee labada wadan, waxaana ay Soomaaliya diyaar u tahay soo dhaweynta Maalgasheyaasha, iyo in Ganacsatada labada dhinac ba ay Maalgashiyo ka samayeen Soomaaliya iyo Turkeyga.