Fuzhou,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka caalamiga ah ee agabka badda ee 2023, kaas oo ka qabsoomay magaalada Fuzhou ee dalka Shiinaha.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Shiinaha ayaa muhiim u ah horumarinta iyo kobcinta warshadaha qalabka Badda. Danjire Kullane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galkiisa shirka, wuxuuna muujiyay dareenkiisa ku aadan sida uu ugu qanacsan yahay in shirkan lagu kobcinayo iskaashiga iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.
Sidol kale, Danjire Cawaale Kullane ayaa shirka uga warbixiyay Sidoo kale Kheyraadka Baddeenna ka buuxa iyo tallaabooyinka loo qaaday dib-u-soo-nooleynta kalluumeysiga, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la helo hab maamul wanaagsan oo xagga kalluumeysiga.
Ugu dambey, Safiirka ayaa ka soo qeyb galayaasha ku dhiirageliyay in ay qeyb ka noqdaan horumarinta iyo ka faa’ideysashada Kheyraadka Baddeenna iyo in la dhiira geliyo Kalluumeysatada Soomaaliyeed.