Muqdisho,(SONNA):- Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliua Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Dhiiga laga shubay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dhigi doona Banngiga keeydka, iyaga oo ay ugu deeqeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee xilligaan dagaal kula jira Khawaariijta, oo hadda wajaha dagaal dhinac kasta ah.
Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeey Golaha Wasiirrada Xukuumadda, kuwaas oo dhiig ugu deeqay Ciidamada xoogga dalka.
Dhanka kale Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, in ay ka qeyb qaataan olalahaan ee dhiigga loogu shubaayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Olahaan ayaa waxaa soo abaabulay dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaariijta, ee hadda ka socda guud ahaan dalka.