Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
    Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
    July 1, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 9, 2023
7 Min Read
Share

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye koor koor, islamarkaana uu u wakiishay sii hoggaaminta Dagaalka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee uu-duhaana oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, kuwaasi oo hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagula kulmiyay xerada Harqaboobe ayay Madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay naf sida lacaarigga kula dhuunteen  khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo hadallo dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in ballantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Dhinaca kalena Kooxda Khawaarihjta waxaa jab xooggan iyo holac naareed ayaa Xalay lagu dhadhansiiyay Deegaanka Bud Bud ee ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana ka waramaya Hoggaamiyaha Ciidanka Deegaanka ee Macaawisleyda Mujaahid Cabdi Hagar Barre “ waxaan dagaal kala kor dhacnay, isalmarkaana isku fara saarnay meel u dhow deegaanka Bud-bud kooxda Khawaarihjta ah, waxaana ka dilnay Horjooyaal iyo Maleeshiyaad badan, waxaana kala wareegnay waxa ay siteen oo hub ahaa iyo saanad, Deegaankana haatan Ciidankeenna ayaa kun sugan”, Khawaarijta ayaa doonayay inay duulaan ku qaadan Deegaanno ka tirsan Deegaanka Daarunimca ee Degmada Ruunnirgood ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana ka hortagnay, arrintooda damaca ahaana fashinayay Ciidanka  Macaawisleyda Deegaanka Bud-bud.

Hoggaamiye sidii Hibaad Cali Dasar iyo Cilmi Xagar ahna ayaa ka soo baxay Dadka ku nool Deegaanka Bud Bud, Qofkaasi waa kuma? Waa Hoggaamiye Mujaahid Cabdi Hagar Barre,  guul ayaan u rejaynaynaa iyo deegaankaasi quruxda badan ka badbaadintiisa khawaarijta arxanka daran.

Waxaa kaloo naarta lagu dhadhaniiyay Khawaarijta Howdka Deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta gobolka Mudug, waxaana  ka socday duqeymo barakeysan oo lagu bartilmaameydsaday Gawaari dagaal iyo Maleeshiyaad fara badan oo khawaarijta Al-shabaab ka tirsan, waxaana la soo Warinayaa khasaaro aad u xooggan oo halkaas ku gaaray khawaarijta, kuwaasi oo  markoodii horeba u taag la’aa weerarrada Daraawiishta Galmudug, Ciidamada dowladda iyo kuwa Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda, waxayna Khawaarijta ka mareysaa maxaa Mudug idin keenay?.

Warar ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Kooxda Khawaarijta ah ay ku cataawday Dadka dega Mudug oo ay leeyihiin “ maxaad naga rabtaan anna dhul idinka ma heysanno, idiinna iman mayno ee na nabadgaliya”, oo ay ka wadaan waan idinka tageynaa meelaha kale ayaan joogeynaa ee adinka ka mudug ahaan naga leexda, kaasi oo loo macneyn karo waxa ka qabsaday iyo khasaaraha ay kala kulmeen intii ay dagaalka kula jireen.

“Odaygii Khawaarijtu ay soo kicin jirtay mar walboo ay aad nafta ugu yaabto ayaa cod tabar-daran ku calaacalay isagoo ku hadaaqay seddex arrimood oo aan aheyn kuwii kooxda horay looga bartay, isagoo la hadlaya reerkiisa ayaa yiri: 1. Dhul la idinkama heysto oo xoraysan maysaan!.2. Xoolo la idinkama dhicin oo soo dhacsan maysaan!. 3. Diintiina oo lagu soo duulay difaacan maysaan!”, sidaasi waxaa yiri :- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XfS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

Kooxdu marka ay jabto waxaa lagu yaqaan inay raadiyaan beer jilecsi, isagoo calaacalkooda ka sii hadalya ayuu Wasiirku sii raaciyay, “Sidaasi daraadeed wuxuu ku baryootamay in  dagaalka ay joojiyaan oo dib u noqdaan!!”

Waa wax lala yaabo in iyadoon la is gaarin, dagaalkii bilow yahay iyo hal dagaal oo kaliya oo dhacay ka dib, haddii ay sidaas uga cabaadeen ciidamada xaq u dirirka ah ee Mudug kula dagaalamay, matrka waxaa is weydiin mudan, “sidee ugu gigsan doonaan dharbaaxooyinka iyo cadaabka ku soo socda ee ka xanuun badnaan doona kuwii hore”?.

“Odayga ay soo kiraysteen Khawaarijtu, bilo ka hor wuxuu ku goodinayay xafiiskaada ayaan kuugu imaanaynaa, maantana waxaa loo soo dhiibay calaacal iyo catow! Khawaarij Fartaag iyo kooxdiisu; shalay waa talo xumaayeen markii la is qabteyna waa kuwaas tiiro gaabtay!”, ayuu ka yiri Wasiir Fiqi calaacalkooda, marka waxaan leenahay Dagaalka Khawaarijta lagula jiro waa xaq waana jihaad hadafkiisu yahay in laga ciribtiro Soomaaliya Khawaarijta ku soo duushay.

Goor dhow ayay Dowladda Soomaaliya soo saartay War saxaafadeed ka hadlaya Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah oo xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qorna:- Howlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya howdka deegaankaa Shabeeloow, waxaana uu ku soo dhamaaday guul. Hadafka koowaad ee howlgalka ayaa ahaa burburinta Gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa. Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaasi waxaana goobta ku halaagsamay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe. Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan Agabkii Khawaarijta ee saarnaa Gaadiidkaasi.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu geystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka, kuwaasi oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug ayay Dowladdu ku soo gunaanaday War-saxaafadeedkeeda.

Haddaba waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan Marka leenahay ‘Khawaarijeey geerida xanuunkeeda iyo dhimbilaha Naarta dhadhami ama gacmaha taagoo dowladaada isu soo dhiib’.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Riyad (SONNA): Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada xildhibanadda

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo…

GudahaWararka
March 9, 2025

RASMI: Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Afif oo ku guuleystay Abaal-marinta xiddiga ugu fiican Sanadka Asia

Muqdisho(SONNA)-Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Afif ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee Asian Football Confederation’s (AFC) Player of the Year…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka mudane…

GudahaWararka
July 4, 2023

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee XFS oo kulan la qaadatay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dalka Boqortooyadda…

GudahaWararka
January 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023