Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar
CiyaarahaGudahaWararka

Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 4, 2023
2 Min Read
Share

Qaahira (SONNA): Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda FS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta.

Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada jihaynta dhallinyarada, is-dhexgalka Ciyaaraha, iyo kala faa’iidaysiga khibradaha maamulka Isboortiga iyadoo dalka Masar uu ka mid yahay wadamada xagga Afrika ugu horreeye dhinaca Ciyaaraha.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir Dr Ashraf Subxi ayaa sidoo kale isla soo qaaday martigelinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka adduunka ee qaaradda Afrika iyo sidii xulka qarankeennu Hoyad( Home) ugu noqon lahayd dalka masar inta ciyaaruhu socdaan maadaama tashiilaad badan oo xulalka qaaraddu u baahanyihiin weli dalkeenna u dhimmantahay.

Labada wasiir ayaa isla gartay in wixii farsamo ah loo daayo xiriirrada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Masar waxaana Wafdiga wasiirka ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiino) oo dhiggiisa Masar kala sii xaajoon doona sidii farsamo ahaan ay dowladda Masar nooga taageeri lahayd kobcinta maamulka iyo farsamada ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qaybgalay furitaanka tuulada ciyaaraha Masar oo ah goobo ay ku dhanyihiin noocyada kala duwan ee garoomada iyo goobaha lagu ciyaaro.

Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa u mahadceliyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo Diblumaasiyiinta kale ee safaaraddeena Qaahira oo shaqo qurux badan la qabtay Wasiirka iyo wafdigiisa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo dilal ka geystay magaalada…

Wararka
December 16, 2020

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka…

GudahaWararka
June 21, 2025

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galcad oo lagu wareejiyay xoolo lagu dhiiragalinayo

GALCAD-(SONNA)-Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa maanta lagu xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka…

GudahaWararka
July 21, 2023

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo…

GudahaWararka
April 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023