Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 14 kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka degdega tababar ugu diray dalka Turkiga, kaas oo kor loogu qaadayo xirfadooda la xiriirta ka hor tagga qataraha la xiriira dabka.
Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga ah ee dowladda hoose ee Xamar mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa ka warbixiyay tababarka iyo muhiimadiisu.
Agaasimaha ayaa sheegay in tababarkan oo ka dhici doona magaalada Konyo ee dalka Turkiga uu yahay wejigii labaad, iyadoo wejigii kan ka horreeyayna lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna xubnaha tababarka loo dirayo u rajeeyay in ay aqoontooda ugu faa’iideeyayaan bulshada Soomaaliyeed.