Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 1, 2023
7 Min Read
Share

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in ay Hey’addu gacanta ku soo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa ka soo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaasi oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hey’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hey’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa. Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Sakariye waa kuma?

Magaciisu waa Sakariye Kamaal Suufi oo ku magacdheer Aba sheikh Saki,  Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah ,Waxa uu ku dhashay dalka Kenya, waxa uuse ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Shiinaha, isagoo si gaar ah u bartay Injineernimada iyo Ganacsiga ayaa ka mida waxyaabaha uu shiinaha ka soo bartay. Sannadkii 2020-kii ayaa uu Nayroobi ku soo laabtay isaga oo halkaasi ka hirgeliyay shirkadda Zaks Enterprises oo ka shaqeysa dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, wuxuuna ku xiray dalka Shiinaha. Shirkaddu waxay inta badan ka shaqaynaysay Kenya iyo Shiinaha.

Billowga sannadkan qandaraas ay bixisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Kenya ayay ku guulaysatay shirkadda Zaks ee uu Sakariye hirgeliyay. $13M ayaa ku baxayay qandaraaskaasi. AE-MOTI-281723-GO-RFP waa nambarka qandaraaska ay Wasaaraddu siisay. Waxyaabihii la soo gaadayay waxaa ka mid ahaa diyaaradaha Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn iyo agabyo kale, ida ay Dowladda Maraykanku hadda ka hor sheegtay, sababta diyaaradaha Droneska loo soo iibinayo ayaa Wasaaradda ku sheegtay in loo adeegsanayo ilaalinta iyo la socodka beeraha, caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Sakariye kolka uu agabkii keenay waxa uu qeyb ka mid ah u sii gudbiyay Al-shabaab. Billowga bishii Marso ayaa Al-shabaab weerartay Dhismaha buundada Kwa Omollo ee Lamu, waxayna ku dishay Afar kiinyaan ah iyo hal Shiineys ah, iyadoo weerarkaasi waxaa lagu geystay ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Dhammaadkii April waxay Hey’adaha ammaanka ee Kiinya soo qabteen Sakariye oo ay ku eedeeyeen la shaqaynta Al-Shabaab. Waxayna la xiriiriyeen weerarkii dhismaha buundada ee Drone-ta lagu geystay. Waxaa taleefankiisa laga helay xogo badan.

Xogahaasi waxaa ka mid ahaa in seddex kunteenar oo saanad ciidan ah uu ka soo iibiyay dalka Shiinaha, islamarkaana uu ku soo dhex qariyay shixnad ganacsi oo Muqdisho u socotay. Markiiba Hey’adaha ammaanka ee Kiinya waxay la xiriireen dowladda Shiinaha, iyaga oo wax ka weydiiyay seddexda kunteenar. Shiinaha way xaqiijisay iibsashadooda. Kiinya waxay mar kale la xiriirtay Soomaaliya. Heydda NISA ayaa baaritaan u gashay Kunteenaradii ka soo degay Dekedda Muqdisho oo aan weli ka bixin, waxayna qabteen labo ka mida, iyaga oo warbaahinta la wadaagay dhammaadkii bishii May.

Waxyaabihii ku jiray seddexda kunteenar waxaa ka mid ahaa; JS Crop Drones, boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada, diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka, dharka tuutaha ciidanka, teendhooyin, qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida gaari aan nal u daarnayn inuu dhulka siduu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo, iyadoo qalabkaa habeen-aragga loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawinaysa weerarada ay ku guureeyaan xilliyada mugdiga, jaakadaha qaraxyada, bustayaasha habeenkii khal-khaliya diyaaradah wax duqeeya, qalabka ciidamadu u isticmaalaan dabaasha fog, agabka wax lagu basaaso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista, koofiyado adag IWM, waxaana la hubaa in Hey’adaha ammaanka ee Kenya ay shakigoodii sii weynaaday kolka ay Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya xogaha kunteenarada ka soo xaqiijiyeen, waxayna Sakariye horgeeyeen Maxkamadda iyo Garsoore Yusuf Aballah Shikanda, waxa uuna Garsooraha dalbaday in la sii baaro kiiska iyada oo la ballamay 20-ka bishii September, waase ka soo fakaday, si kastaba ha ahaatee, balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay mar kale inay gacanta ku dhigto SAKARIYE!.

Dhinaca kale Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda Argagixisada al-Shabaab, wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha Maleeyshiyada al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubeysan ee loo yaqaan Jabhadda ee Al-Shabaab. Bishiii Janaayo ee sanadkii 2018-kii, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay Argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo Argagixisnimo, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga Qaranka, arrimaha siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka, sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer, Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami, waxaana Madaxiisa la saaray $5 Million.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogta oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha…

GudahaWararka
June 8, 2024

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

New York(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee…

GudahaWararka
September 23, 2023

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19 “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu horeyn ka…

GudahaWararka
August 5, 2021

 ‘laba cadow ayaan leenahay’ (WARBIXIN)

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay Itoobiya uga joojiso aqoonsiga dhulka Somaliland ka go’day oo ay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023