Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
    Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
    Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee ย Tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 1, 2023
7 Min Read
Share

Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in ay Hey’addu gacanta ku soo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa ka soo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaasi oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hey’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hey’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa. Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka goโ€™an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Sakariye waa kuma?

Magaciisu waa Sakariye Kamaal Suufi oo ku magacdheer Aba sheikh Saki, ย Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah ,Waxa uu ku dhashay dalka Kenya, waxa uuse ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Shiinaha, isagoo si gaar ah u bartay Injineernimada iyo Ganacsiga ayaa ka mida waxyaabaha uu shiinaha ka soo bartay. Sannadkii 2020-kii ayaa uu Nayroobi ku soo laabtay isaga oo halkaasi ka hirgeliyay shirkadda Zaks Enterprises oo ka shaqeysa dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, wuxuuna ku xiray dalka Shiinaha. Shirkaddu waxay inta badan ka shaqaynaysay Kenya iyo Shiinaha.

Billowga sannadkan qandaraas ay bixisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Kenya ayay ku guulaysatay shirkadda Zaks ee uu Sakariye hirgeliyay. $13M ayaa ku baxayay qandaraaskaasi. AE-MOTI-281723-GO-RFP waa nambarka qandaraaska ay Wasaaraddu siisay. Waxyaabihii la soo gaadayay waxaa ka mid ahaa diyaaradaha Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn iyo agabyo kale, ida ay Dowladda Maraykanku hadda ka hor sheegtay, sababta diyaaradaha Droneska loo soo iibinayo ayaa Wasaaradda ku sheegtay in loo adeegsanayo ilaalinta iyo la socodka beeraha, caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Sakariye kolka uu agabkii keenay waxa uu qeyb ka mid ah u sii gudbiyay Al-shabaab. Billowga bishii Marso ayaa Al-shabaab weerartay Dhismaha buundada Kwa Omollo ee Lamu, waxayna ku dishay Afar kiinyaan ah iyo hal Shiineys ah, iyadoo weerarkaasi waxaa lagu geystay ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Dhammaadkii April waxay Heyโ€™adaha ammaanka ee Kiinya soo qabteen Sakariye oo ay ku eedeeyeen la shaqaynta Al-Shabaab. Waxayna la xiriiriyeen weerarkii dhismaha buundada ee Drone-ta lagu geystay. Waxaa taleefankiisa laga helay xogo badan.

Xogahaasi waxaa ka mid ahaa in seddex kunteenar oo saanad ciidan ah uu ka soo iibiyay dalka Shiinaha, islamarkaana uu ku soo dhex qariyay shixnad ganacsi oo Muqdisho u socotay. Markiiba Heyโ€™adaha ammaanka ee Kiinya waxay la xiriireen dowladda Shiinaha, iyaga oo wax ka weydiiyay seddexda kunteenar. Shiinaha way xaqiijisay iibsashadooda. Kiinya waxay mar kale la xiriirtay Soomaaliya. Heydda NISA ayaa baaritaan u gashay Kunteenaradii ka soo degay Dekedda Muqdisho oo aan weli ka bixin, waxayna qabteen labo ka mida, iyaga oo warbaahinta la wadaagay dhammaadkii bishii May.

Waxyaabihii ku jiray seddexda kunteenar waxaa ka mid ahaa; JS Crop Drones, boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada, diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka, dharka tuutaha ciidanka, teendhooyin, qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida gaari aan nal u daarnayn inuu dhulka siduu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo, iyadoo qalabkaa habeen-aragga loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawinaysa weerarada ay ku guureeyaan xilliyada mugdiga, jaakadaha qaraxyada, bustayaasha habeenkii khal-khaliya diyaaradah wax duqeeya, qalabka ciidamadu u isticmaalaan dabaasha fog, agabka wax lagu basaaso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista, koofiyado adag IWM, waxaana la hubaa in Heyโ€™adaha ammaanka ee Kenya ay shakigoodii sii weynaaday kolka ay Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya xogaha kunteenarada ka soo xaqiijiyeen, waxayna Sakariye horgeeyeen Maxkamadda iyo Garsoore Yusuf Aballah Shikanda, waxa uuna Garsooraha dalbaday in la sii baaro kiiska iyada oo la ballamay 20-ka bishii September, waase ka soo fakaday, si kastaba ha ahaatee, balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay mar kale inay gacanta ku dhigto SAKARIYE!.

Dhinaca kale Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda Argagixisada al-Shabaab, wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha Maleeyshiyada al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubeysan ee loo yaqaan Jabhadda ee Al-Shabaab. Bishiii Janaayo ee sanadkii 2018-kii, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay Argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo Argagixisnimo, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga Qaranka, arrimaha siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka, sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer, Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami, waxaana Madaxiisa la saaray $5 Million.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa…

March 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda

Uganda(SONNA):-Dowladda Uganda oo sheegtay in ay wax ka qabanayso caqabadaha haysta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda Danjiraha Soomaaliya ee…

GudahaWararka
May 20, 2023

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 3-aad)

Qeybtan 3-aad waxaan uga hadleynaa WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA. Markii Ciidamadu la wareegeen talada dalka sanadkii 1969-kii waxaa isbeddel ku…

MaqaalladaWaxbarashada
June 19, 2023

Shirweynaha Wadatashiga & Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed…

GudahaWararka
July 20, 2023

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da

Muqdisho(SONNA)โ€” Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, iyada oo kaashaneysa Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka iyo Machadka SIMAD iLAB ayaa magaalada Muqdisho ku…

GudahaWararka
April 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023