Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Todobaadkan iyo Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Todobaadkan iyo Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Todobaadkan iyo Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 28, 2023
7 Min Read
Share

”Maraykanka oo ugu dambeyn guul ka keenay Soomaaliya” cinwaankaasi oo ay kala qoreen wargeysyada Wall Street Journal & Daily Mail oo maqaal dheer ka qoray xaaladda Somalia, wuxuuna ku bilaabay, waxay ka bilaabatay Hiiraan, oo ah gobol ay ku nool yihiin nus milyan qof oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya. Kooxda al-Shabaab, laanta Soomaaliya ee al-Qaacida, ayaa muddo toban sano ah gacanta ku haysey inta badan aaggaasi. Bishii Maajo 2022-kii, waxay caburintu gaartey halkii ugu sarreeysey, waxaana ugu dambeyn dhacday markii maleeshiyada al-Shabaab ay aad u fogaadeen oo xadka ka bexeen, in beeraleeyda iyo xoolaleeyda Soomaaliyeed ay u adkaysan waayeen, ayaa lagu bilaabeen maqaal dheer oo uu Wall Street Journal ka qoray Somalia. Waxay toogteen oday beeleed caan ahaa, waxayna dhallinta deegaanka ku soo dareen safafkooda is qarxinta iyo dagaalyahannada, iyadoo ay jirto abaartii ugu dheerayd ee nolosha la xusuusto, Al-Shabaab waxay dadka xoola dhaqatada ah canshuur ahaan kaga qaadi jireen saddex ama afar sac mar kasta oo ay xoolahoodu, si ay uga cabbaan ceelasha dadwaynaha.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay dagaalka qeyb lixaad leh ka qaateen Ciidanka Komaandooska uu Maraykanku tababaray ee Danab oo xoreeyey 20 magaalo iyo 80 tuulo, taasoo uu ku tilmaamay guushii ugu weynayd ee uu Maraykanku ka soo hooyo Soomaaliya, isagoo wargeysku soo qaatay warkii Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin oo Axaddii sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse waxa uu ka digey in kooxdan Argagaxisada ahi ay weli “ka dhoofin karaan howlo argagaxiso meelaha aan la maamulin”.

“Waxaan filayaa inay (ciidamada Soomaaliya) sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay weriyeyaasha, isagoo ku sugan Jabuuti oo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya,Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la xasuustaa in mr. Austin uu Axaddii magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horreeysey ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca.

Dhinaca kale Deeganka Aboorey ee ka tirsan gobolka hiiran ayaa waxaa shalay subax lagu soo afjaray koox ka tirsan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay isku dayayeen in ay ka soo gudbaaan, balse ciidanka Deegaanka ayaa fashilayay damacooda ku aadan kala gudbinta maleeshiyaadkooda.

Waxaa kaloo jirta in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ay gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Khawaarijta, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere. “Khawaarijta oo quus taagan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yar-yar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada Argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

ku darsoo waxaa kaloo jira 4 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo shalay subax, 3 ka mid aheyd la dilay, mid kalena nolosha lagu qabtay iyo mootadi ay wateen,kuwaasi oo doonayaya inay miino ku aasaan waddooyinka gala deegaannada ka tirsan Dhuusamareeb, waxaana lagu soo bandhigay deegaanka Bulacle ee dhaca Bariga Magaalada Dhuusamareeb. “Bulacle Cashar ayaa lagu siiyay Eeyaha Naarta Khawaarijta, Saddex Nafta ayaa la dhaafiyay Hal Khawaarij ahna gacanta ayaa lagu dhigay. Adduunkii ayaa lagu cadaabay Aakhirana Jahanamo ayaa u dambaysa Khawaarjita. Midka la qabtay waa 55 jir Khawaariij ah oo isagoo miino dhigaya oo raba inuu Shacab ku xasuuqo la qabtay, kaasi maxaa uu yahay jisadiisa?.

Cali Heelle isna maxaa ka dhacay?, Duqeyntii ayaa lala beegsaday tuulada Cali Heelle oo ah deegaan kala qeybiya, gobalka Shabeellada Dhexe iyo gobalka Galgaduud, isla markaana u dhaxeeya, deegaannada kala ah: Ruunnirgood, Hilowle-Gaab, Maraay Suuleey, Cowsweyne, Gal-libaax (Ex Ceel qororof) iyo Al-furaad (Ex Ceel Cali, jahada koofur quman iyo koofur galbeedna ay ugu aaddan-yihiin: Ceelbacad iyo Daarunimco ayaa shalay subax hiira-horaadkii (Nuska saac) la duqeeyay goob ay isu imaad ku qabeen maafiya-diimeedka khawaariijta oo dabcan u jeedkoodu ahaa inay meel uun weeraraan, si ay qas iyo fowdo uga kiciyaan, taasi oo shartoodii Ilaaheey ku naqay isla iyaga.

Dhowr goobood ayaa la duqeeyay oo tuulada dhexdeeda ah iyo goobo kale oo tuulada ka baxsan, balse, aan masaafo ahaan ka fogeyn tuulada. Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaana soo gaaray khawaariijta woloow ay isla markiiba dadka deegaanka ku amreen inaysan guryahooda ka soo bixin, waxase cajiib ah in madax waaweyn oo khawaariijta hoggaamisa ay habeen hore tuulada ku sugnaayeen, isla markaana loo dan lahaa in iyaga lagu beegsado duqeynta, ay isla xalay saqdii-dhexe deegaanka lug uga baxeen, sida ay SONNA u sheegeen Dad ku sugan Deegaankaasi.

“Magac, maal iyo maqaam laguma helo muuqaal qurxan, mansab iyo hanti, ee waxaa lagu helaa niyad wanaagsan, akhlaaq suuban iyo waxqabad bulshada waxtara. Dal waxaan ku noolnahay ay duruufihiisu neefta kugu xiriyaan. Haddaba, waxaad u baahan tahay in aad hesho wado kuu gaar ah oo aad ku nafisto, adigoo u babac dhigaya caqabdaha adag ee ku soo wajaha, iyo in aad la timaaddo xeelad aad ku samata baxdo, adigoo dadnimadaada ka tegin, damiirkaada beecin, dantu ku dullayn, sumcada dadka kalana dhaawicin”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadaladaasi ula jeeday masuuliyiin hore oo baraha bulshada ku soo qoro hadallo qadaf ku ah Maxada ugu sarreysa Dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Culimad Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay ciidanka Qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka 

Hiiraan(SONNA):-Qaar ka mid ah culimada gobolka Hiiraan ayaa maanta gurmad gaarsiiyay ciidanka Qaranka iyo kuwa difaaca degeenka ee ku sugan …

GudahaWararka
April 13, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed…

GudahaWararka
November 12, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna…

Gudaha
June 30, 2021

Guddoomiyaha aqalka sare oo ka tacsiyeeyey geerida wasiir Khadiijo

Muqdisho (SONNA): Gudoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamanka FS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeyay geerida wasiirkii Wasaarada Hawewnka Horumarinta Xuquuqul…

GudahaWararka
December 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023