Muqdisho-(SONNA)-Madaxha hay’adda TIKA qaybteeda Soomaaliya , Ilhami TURUS ayaa sheegay in ay xoojinayaan maalgashiga iyo horumarinta dalka Soomaaliya sida Beeraha, Tammarta, Kalluumeysiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha.
Ilhami TURUS, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Muqdisho kula qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle.
Mudane, Ilhami TURUS ayaa Wasiir Qalinle warbixin ka siiyay mashaariicda ay TIKA ka waddo dalka iyo Istaraajiyadda cusub ee Hayโadda sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Waxay labada dhinac isla meel-dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan adeegyada muhiimka sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee dowladda loo gaarsiiyo goobaha laga xoreeyay Khawaariijta.
Hayโadda dowlada Turkiga u qaabbilsan horumarinta mashaariicda ee TIKA ayaa door wyn ka ciyaartay garab qabashada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Cabdirashiid Jire uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii ay dalka ka dhacday abaartii 2011-kii.