Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: YAABAYE MA YAABTEEN!!!? (WARBiXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > YAABAYE MA YAABTEEN!!!? (WARBiXIN)
CaalamkaMaqaallada

YAABAYE MA YAABTEEN!!!? (WARBiXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 24, 2023
7 Min Read
Share

ANI YAABAYE MA YAABTEEN !!!?, waxaa la yaab leh Amiir u dhashay Qowmiyadda Amxaarada ee wadanka Itoobiya oo Soomaali Diin ku dilaaya, sida laga soo xigtay Ciidanka Ammaanka Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen Madaxii howl-galada kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani. Abu-Albara waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Amxaarada Dalka Ethiopia micnaha Khawaariij Ethiopian ah, Bal waa yaabe Amxaar Dadkiisii qaawan yihiin oo Soomaali Diin ku dilaya,  Wallee Khawaariij haddaan leyska difaacin Dal, Dad iyo Diinba ma jirayaan. waa yaabka yaabkiis.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa shalay Khawaarijta kala wareegay deegaannada Ceel-kabar  iyo Jaburow, oo dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijta ah, taasina ayaa waxay ku timid kadib markii Ciidamada ay weerar dhowr jaho ah ku qaaday Deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob khawaarijtu lacago baad ah ugu qaadaan dadka u kala safra magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe, waxayna Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalka,  iyagoo sheegeen in cadowga dadka deegaanka dhibayay sanadaha badan ay ka ceyriyeen deegaannadaasi.

Dhinacaasi iyo Ceelbuurna, Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo lagu Duqeeyey Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in Howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,  iyadoo howlgaalkasina lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lala beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo kooxda ay ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maaliyadda u qaabilsanaa Khawaarijta ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida uu Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik uu u xaqiijiyay Warbaahinta Codka Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sheegay in howlgalkan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaasi oo la socday Horjoogayaasha goobta lagu soo afjaray.

Sidoo kale shalay galabta Aagga deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug waxaa lagu duqeeyey koox Khawaarij ah oo isku abaabuleysay inay weerar ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Qaranka iyo ku Deegaanka, balse shartooda iyagaa alle ku celiyay oo dhulka ayaa lala simay dhamaan wixii halkaasi joogay, intaasi kadibna Ciidamada Qaranka ayaa ku daatay goobihii lagu duqeeyay, waxaa kaloo jira in Ilaa 6 goobood ay shalay iyo maanta lagu beegsaday Khawaarijta ku harsan bariga Galmudug, waxayna dowladdu wadaa qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray howlgalladaas barakeysan kooxda Khawaarijta ah oo is dabajoog ahaa.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa in ka badan 30 xubnood looga dilay deegaan ka  mid ah gobolka Mudug, sida aan wararka ku heleyno Howlgal gaar ah oo shalay Ciidanka Dowladdu ay ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca Koofur Bari ee gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd deegaankaasi, waxaana wararku intaasi ku darayaan in khasaaro xoog leh loo geystay Argagixisada, waxaana loogu geystay khasaare ba’an, laguna burburiyay xarumo Kooxdu ay ku lahayd deegaankaasi,  iyada oo lagu khaarijiyay in ka badan 30 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Xubnaha Khawaarijta ah ee ku haray gobolka

Khawaarijtii ku sugneyd meelo ka mid ah Gobolka Mudug ayaa waxaa soo food saaray culeys xoog leh, kaddib markii ay kordheen weerarada dhulka iyo cirka uga imaanaya ee lagu beegsanayo firxadkooda.

“Waa waajib in Masuuliyiinta  iyo Shacabkuba sii laba laabaab la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya”, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drsa. Maryama Mohamed Hussein oo dhinac taagneyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markuu fadhiga ka dhigtay Magalada Dhuusamareeb, ayaa ku boorisay Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago Shaqada la dagaalanka iyo Sifeynta Khawaarijta,  laguna garab istaago Madaxweynaha aragtidiisa ku aadan in dalka laga ciribtiro aragtida guracan ee khawaarijta,  taasoo dilootay dalka iyo Shacabka Soomaiyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka dhawaajisay in ciidamada xoogga dalka ay si joogto ah guulo uga soo hooynayaan dagaalka ay kula jiraan khawarijta ee jiidda hore,  ayna weli jiraan howlgalo badan oo looga hortagayo kooxaha Argagaxisada ah, iyadoo  hadalka Drsa. Maryama uu imaanayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Maamul gobaleedyada iyo dadka deegeenka ay sii wadaan howlgallada deegaannada Galmudug looga xoreynayo kooxaha khawaarijta. “Wasaarada Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada waxay mudnaan siinaysa ballaarinta iyo helitaanka daryeel caafimaad ee magaalooyinka iyo tuulooyinka laga xoreeyay gacan ku haynta khawarijrta”, ayay sii raacisay Drsa Maryama.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah, waxaana bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq, wuxuuna tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta Argagixisada looga guuleysan karo ay tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo Shacabka, taas oo meesha ka saareysa in Khawaarijta soo dusiyaan Gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, lagana soo doortay Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay Argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Waxaa loogula beegsado Qaraxyada Magaalada Beledwyne ayaa iyana la yaab leh.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo taageero u fidiyay qoyskii ku waxyeeloobay duqeyntii Droniska ee Kaabul

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof…

Caalamka
January 7, 2023

Japan oo Mozambique ka caawineysa la dagaalanka argagixisada

Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu Mozambique ka caawiyo dagaalka ka dhanka…

Caalamka
May 5, 2023

Muxuu ka yiri Gerrard awoodda ciyaareed ee kooxda Liverpool & qaar ka mid ah xiddigaheeda?

Liverpool(SONNA)- Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa amaanay qaab ciyaareedka Reds uu hogaaminayo tababare Jürgen Klopp ay haatan ka…

CaalamkaCiyaaraha
October 13, 2019

Xildhibaan Ingiriis ah oo u geeriyooday dhaawaco soo gaaaray

Muqdisho (SONNA)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea ugu…

CaalamkaWararka
October 16, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023