Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay
GudahaWararka

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 23, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Barnaamijka xukuumadda ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dib-u-xoreynta iyo suggida amniga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka xoreeyay ayaa cadowga Khawaarijta in ka badan 80-deegaan oo ka mid ah gobollada Galguduud, Mudug, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose.

Degmooyinka la xoreeyay waxaa ka mid ah Aadan-Yabaal, Xarar-dheere, Ceeldheer, Runir-Good,Ceelbuur iyo deegaanno kale oo istiraatiji ah.

Waxaanna laga sifeeyay Khawaarijta la iskuna furay waddooyinka Baladweyne-Matabaan,Baladweyne-Buula-Burde, Baladweyne-Maxaas ilaa Buula-burte, Muqdisho-Runir-Good, Hobyo-Xarar-Dheere.

In dhinaca dhaqaalaha lagala dagaallamo Khawaarijta waxay ka mid ahayd saddex jiho oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaa la xiray labo boqol iyo Konton Akoon oo ay isticmaali jireen Khawaarijta, iyadoo la baabi’iyay maxkamad beennaadii lacagaha baadda ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta qeybo ka mid ah Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa laga hirgeliyay istiraatijiyadda qaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyay, waxaanna inta badan maamulo KMG ah loo dhisay deegaannadii la xoreeyay, kuwaasi oo laga howlgeliyay boqol toban iyo saddex Barnaamij oo kaabaya nolosha dadka sida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo ceelal-biyood.

Waxaa dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isku bar bar wadi lahaa dib-u-dhiska ciidanka, kala wareegidda amniga dalka ee ciidanka ATMIS iyo ciribtirka Khawaarijta.

Waxaa la dhisay lana qalabeeyay 10-kun oo ciidan oo laga qoray dhammaan gobollada Dalka, saddex boqol iyo lixdan ka mid ahna waa ciidanka sida gaarkanah u tababaran.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleystay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala xaajooto halbeegyo la jaangooyay kuwaas oo lagu wada heshiiyay si ay u sahlaan qaaditaanka cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliyaย  tan iyo 1992.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay meel-marisay shuruucyo iyo nidaamyo lagu horumarinayo maareynta hubka, waxaanna lagu guuleystay xaqiijinta tobankii halbeeg iyo bartilmaameedyadoodi kuwaas oo lagu xiray qaadista cunaqabateynta hubka,iyadoo guddi khubaro ah oo ka socday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameysay xaqiijinta halbeegyada iyo bartilmaameedyada lagu heshiiyay in ay hagaan qaadista cunaqabateynta hubka.

Waxaa la diyaariyay qorshaha hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo golaha wadatashiga qaranka ay kaga heshiiyeen shirkii ka dhacay Baydhabo bishii Maarso, 2023.

Xukuumaddu waxay dib-u-habeyn ku sameysay xarumaha dhaqan-celinta kuwa ka soo goosta Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay boqolaal lana geeyay xarunaha loogu talagalay ee dhaqan-celinta.

Dhammeystirka Dib-U-Eegista-Dastuurka.

Waxaa dib loo dhisay guddiga madaxa-bannaan ee dhammeystirka iyo hirgelinta dib u eegista Dastuurka , xukuumaddu waxay ku guuleysatay in golaha wadatashia qaranku heshiis uu ka gaaro qodobada dastuuriga ah ee wada-xaajoodka siyaasideed u baahan oo kala ah.

Asteynta awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, hannaanka cadaallada garsoor madax-bannaan, hannaanka federaaleynta maaliyadda dalka, hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka qaabka dhismeedka amniga qaranka iyo qaab dhismeedka Dowladda.

Dorashooyinka iyo ka guurista nidaamka 4.5.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay xaqiijisay in ay qabato 7-kullan oo wada-xaajood siyaasadeed ah, kuwaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul goboleedyada Dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kullmadaas oo lagaga heshiiyay qodobo siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Dalka oo isugu jira qaab dhismeedka dowladda garsoorka, Doorashooyinka, hannaan maaliyadeed oo la isku raacsan yahay iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleysatay macluul ku soo aaddaneyd Dalka sanadkii hore, waxaanna la qaaday tallaaboyinkan.

Qoondeynta miisaaniyad dhaqaale,mideynta gargaarka gudaha iyo dibadda iyo hirgelinta hay’adda SoMDA oo gaarsiisay in ku dhow boqol iyo labaatan kun oo qoys abaaruhu ay saameeyeen cunto iyo dawooyin.

Xukuumaddu waxay ku guuleysatay soo samata-bixinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Suudaan oo gaarayay 1771, muwaadin.

Xukuumadda Dan-Qaran oo mudnaan siineysa maareynya isbedeelka cimiladaย  waxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaanna la hirgeliyay istiraatijiyadda isbeddelka cimilada ee shanta sanno ee soo socota iyo qorshaha Soomaaliyada Cagaaran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):--Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Duraan Faarax oo guddiga Diyaaradaha kala hadlay xayiraadda duulimaad ee Kenya

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha…

GudahaWararka
May 12, 2021

โ€œJanno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad galaโ€

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka…

GudahaMaqaalladaWararka
May 21, 2025

Guddoomiyaha hayโ€™adda SoDMA oo Nairobi ka daahfurtay shir ku saabsan ka digista xaaladaha halis wadareedka

Nairobi (SONNA): Shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo…

GudahaWararka
October 7, 2024

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐๐ž๐ -๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ž ๐Œ๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ง๐จ

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka…

GudahaWararka
January 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023