Muqdisho,(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York waxaa uu kulama doceedya la qaatay wafuuda heerka caalami ee shirka ka soo qeyb galay.
kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.